Articles
Shirkii Beesha Maxamed Amaanreer ee Magaalada Columbus oo Guul ku Soo dhamaaday (Sawirro)
Urur cusub oo laagu magac daray Midnimo ayaa maalintii Satida ee bisha April 07, 2012 looga dhawaaqay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen qurba joogta beesha Maxamed Amaanreer ee waqooyiga America.

Xaflada ururka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan sida aqoonyahanadda, oday dhaqameeyadda, haweenka iyo dhalinyaradda beesha Amaanreer.
Waxaa halkaas hadalo taageero ah ka soo jeediyey caaqiliinta iyo nabadoonada dhaqanka, siyaasiyiinta sida Xasan Maxamed Saciid Gacaliye oo shirka marti ku ahaa, Bashiir Cabdiraxmaan, Xasan Jilicow, Xassan Nageeye, Maxamed Ciise Xoday, Axmed Warsame iyo Cali Jaamac oo dhamaantood ka waramay muhimada ay leedahay midnimada dib udhiska dalka beeshu degto.
Ururka cusub ee laagaga dhaqaaqay magaalada Ohio ayaa waxa uu ka shaqeen doonaa midnimada ummada iyo sidii wax loogu qaban lahaa dhulka ay ku nooshahay beesha Maxamed Amaanreer. Ururkaan cusub ayaa waxuu wax ka qaban doonaa waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo degaamaynta dhulka beeshan degto. Waxay kaloo wax ka qabanayaan sugida nabada iyo deris wanaaga dhulka beeshu degto.
Waxaa kaloo halkaas ka soo jeediyey warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa maamul samaynta ee dhulka beeshu degan tahay gudoomiyaha ururka GDD ee gobolka Minnesota Mudane Saalax Axmed Barre.
Gelinsoortimes News Desk

































