Articles

Xisbi Siyaasadeed Oo Lamagac Baxay TAYO Oo Looga Dhawaaqay Magaalada Minneapolis Habeenkii Sabtida(Daawo Sawirro)

Xisbi cusub oo loogu magac daray Xisbigada Cadaalada iyo Sinaanta, kuna magac dheer TAYO ayaa xalay looga dhawaaqay Magaalada Minneapolis, kaasoo ay xubno ka yihiin Xubnihii Golihii Wasiirada uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Drs Maryan Qaasim ayaa loo doortay Gudoomiyaha Xisbigan, iyadoo horay Xukuumadii Farmaajo uga aheyd Wasiirkii Horumarinta Haweenka iyo Qoyska, waxaana Xisbigan xubno ka ah qaar ka mid ah  Wasiiradii horay uga tirsanaa Xukuumadii hore ee Raysalwasaare Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaalada iyo Sinaanta oo ku magac dheer TAYO.

Drs Marysan Qaasim Gudoomiyaha Xisbigan ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee xisbigan ay keentay iyadoo dhowaan dalka ka bixi doono Marxalada kala guurka, isla markaana Dowladda hada jirta ay ugu egtahay bisha Agosto.

Wareysi ay siisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxay sheegtay Xisbigan aanu mucaarad aheyn, isla markaana uusan cidna ka soo horjeedin, waxaana ay intaa ku dartay in maadaama KMG dalka ka baxayo ay lagama maarmaan noqotay in lagu dhawaaqo.

Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay inay taageerayaal ku leeyihiin dalalka dibada, iyo Soomaaliya, waxaana intaa raacisay in wakiiladooda ay ka soo kala waceen sida Holand, Sweden, London, Muqdisho iyo meelo kale.

Mar wax laga weydiiyay hadii Xisbigan musharaxa Madaxweyne u yahay Farmaajo ayaa waxay tibaaxday in dib ka soo sheegi doonaan.

Waxaa ay sheegtay in dib laga soo sheegi doono hab dhismeedka Xisbigan iyo tirada xubnaha ka ah, inkastoo ay ku gaabsaday in xubnaha la doortay hada yihiin Madaxa Xisbiga iyo Xoghayaha Guud.

Xisbigan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo uu ku dhawaaqo, iyadoo ay muujineyso galaan-galka uu ugu jiro sidii uu Siyaasada Soomaaliya ugu soo laaban lahaa, waxaa uu bilihii la soo dhaafay ku guda jiray ka qeyb galka kulamo ka dhacayay Qaarada Yurub oo uu taageero ugu raadinayay Jaaliyadaha Dibada.

 Gelinsoortimes, Minneapolis

 

 

 



1000 Characters left

Antispam Refresh image Case insensitive