Articles
Shirkii Beesha Maxamed Amaanreer ( Wagardhac) oo qeybtiisii labaad ka furmi doono berito degmada Dhabbad(Daawo Sawirro)
Hoos ka dhageyso furitiaanka shirka
















Shir Beesha Maxamed Amaanreer ( Wagardhac) uga socday degmada Dhabbad ayaa qaybtiisii labaad si rasmi ah uga bilaaban doontaa maalinta berrito, Sabtida, degmada Dhabbad ee Gobolka Galgaduud. Magaalada Dhabbad ayaa iminka waxaa ku sugan dhamaan ergooyinkii shirka ka qeyb geli lahaa sida oday dhaqameedyada, cullluma’udiinka, aqoonyahanada, dhalinyaradda iyo inta indhaha u ah bulshada beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac) si ay aayahooda uga arinsansadaan.Shirkaas oo agendihiisa horey loo go'aamiyey waxaa lagu rajoweynyahay in qodabada ka soo baxi doona ay xoojin doonaan midnimada iyo jiritaanka beesha Wagardhaceed, waxna ka tari doonaan guud ahaan nabada iyo xasiloonida gobolada Galgaduud iyo Gaalkacyo. Waxaa kaloo lagu rajoweynyahay in horumarinta xagga waxbarashada, Caafimaadka, ganacsiga, iyo biyahaba ay qayb fiican ka qaadan doonaan go'aamada ka soo baxa shirkaas.
Hadaba ayadoo shirkaas ay qayb weyn ka qaateen soo qabanqaabintiisa qurba joogta beesha ee ku dhaqan Amerika, Newsiiland iyo Kanada, ayaa hadana wuxuu tahniyado badan ka helayaa qurbajoogta beesha ee ku nool daafaha kala duwan ee dunida.
Mahad Xasan Diini
Dhabbad, Somaaliya




















