Articles

Soomaalidda Minnesota Oo Xafladio Mahadnaq Ah U Sameeyay Turkiga

Munaasabad looga mahadcelinayey Dadka iyo Jamhuuriyada ayaa qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ay ku qabteen maalintii Sabtida 4/28/12 magaalada Minneapolis. Waxaa munaasabdaas kala soo qayb galay ummadda Soomaaliyeed madax ka tirsan Safaarada Turkiga gaar ahaanna safiir ku xigeenka safaarada Turkigu ku leedaahay wadanka Mareykanka Mr: Timur Soylemez iyo Madaxa jaaliyada Turkish American oo ka yimtid Washington DC.

Munaasibada Mahadcelinta ah ayaa waxaa ka hadlay dad aad u tiro badan oo isugu jira aqoonyahano, Culumo,  waxgarad, haween iyo waliba cuqaal, waxaaana dhammaantood ay si isku mid ah dowladda Turkiga kaga mahaceliyeen gurmadkii ay Soomaaliya ka geysatay xiligii ay macaluushu ku dhufatay iyo waliba dadaalada horumarineed ay wali dowladda Turkigu ka wada gudaha Soomaaliya

Dadkii munaasibadaan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahayd, Hodan Ciise, oo ah marwada ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali, waxaana ay sheegtay in dowladda Turkigu kaalin muhiim ah ka qaadatay samata bixinta dadka Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo dhex-jiray dhibaato baahday, islamarkaasna ay indhaha caalamka ku soo jeedisay in wax laga qabto xaalada Soomaaliya.

Ugu danbayntii waxaa halkaas ka hadlay safiir xigeenka Jamhuuriyada Turkiga Mr Timur Soylemez, wuxuuna u cadeeye in dawlada iyo dadka reer Turki ay guteen waajibaad islaamnimo oo saaraa, kaasoo ah inay walaalhood u gargaraan maalinta dhibku hayso. Mr Timur wuxuu intaas ku daray in dadka Soomaaliduba sidaas oo kale yeeli lahaayeen hadii musiibo ku habsato dadka reer Turki. “ Dowladda Turkigu marnaba raali kama noqoneyso in ay Soomaaliya sii ahaato qaran guul-daraystay oo maxbuus u ah macaluul iyo colaad, waxaanse doonaynaa in ay Soomaaliya noqoto qaran buuxa lugihiisana ku istaaga,” ayuu yiri Timur Soylemez.

“ cid kale oo dhibtiina xalinaysa ma jirto, idinka ayaa la idinkaga baahanyahay xalka in aad gacmihiina ku keentaan, oo aad ka shaqeysaan nabadeynta iyo dib u dhiska wadankiina, taasna annaga ayey na dhiiragalinaysaa, adinkana waad guulaysanaysaan,”ayuu yiri safiir ku xiigeenka dowladda Turkiga ee Mareykanka u fadhiya.

Isla habeenkii waxaa Safiir ku xigeenka iyo wafdiga kale ee la socday casho sharaf ugu sameeyey hoteelka  Radisson ee bartamaha magaalada Minneapolis qaarka mid ah aqoonyahanada iyo gamacsatada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota. waxaana halkaas safiirka ku xigeenka  ku gudoonsiiyey hadiyado kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen muuqaalo iyo astaamo lagu muujinayey midnimada Soomaaliya iyo Turkiga, qaar ka mid ah ururada ka shaqeeya gargaarka ee ay Soomaalidu  ku leedahay gobolka Minnesota iyo waliba dhalinyaro waxka barata jaamacada Minnesota.

Gelinsoortimes News Desk

Minneapolis

 

 



1000 Characters left

Antispam Refresh image Case insensitive