Ra’iisul Wasaaraha Oo Kulan Is Wareysi iyo Xog Is Dhaafsi Ah La Qaatay Qeybaha Warbaahinta
Muqdishu, Sabti, February 16, 2013-----Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta la kulmay qeybaha Warbaahinta, gaar ahaana Milkiilayaal, Wakiilo ka socday Idaacaddaha, Telefishinada, Wakaaladdaha iyo xubno Weriyeyaal ah. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo ku-xigeenkiisa Mudane C/shakuur Cali Mire, iyadoo sidoo kale uu goob joog ahaa Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo C/rashiid Deel oo ah madaxa Maaliyadda ururkaasi. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ku wargeliyay qeybaha Warbaahintu inay xor u yihiin wixii su’aalo, talo iyo tusaaleyn ah oo ay qabaan in ay weydiin karaan, si uu uga jawaabo una cadeeyo qorshaha Xukuumada ee ku aadan Warbaahinta iyo xorriyadda Saxaafada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadashaqeyn dhow la yeelato Warbaahinta iyo sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen labada dhinac. Ra’iisal Wasaaraha ayaa qeexay aragtida Dowladda si faham guud Warbaahintu uga qaadato. “Aragtida Dowladda oo cad waa in la arko Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, dimuqoraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka”. Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu. Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in cidii keenta xog ku saabsan dambiile dil u geystay wariye oo lagu cadeeyo falkaasi in xukuumadu ku abaal marin doonto lacag dhan $50, 000 (Konton kun oo dollar). iyadoo ay aad u soo dhoweyeeneen balanqaadkani bahda warbaahinta.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Bakistaan ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladaha kala duwan oo ay suxufiyiinta ku soo shaqeyeen mudooyinkii lagu jiray dowladd la’aanta iyo KMG . Isagoo Xukuumadda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay inay ka hadasho dhibaatooyinka loo geysto wariyayaasha iyo sidii wax looga qaban lahaa. Wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan xeerka loo sameynayo warfaafinta. Suxufiyiintii ka soo qeybgashay kulanka ayaa soo jeediyay talooyin lagu horumarin karo wadashaqeynta xukuumadda iyo bahda Warfaafinta, waxaa soo jeedintooda ka mid ahaa in Wasaaradda warfaafintu la wadaagto warbaahinta xogta dowladda, taasi oo wasiirku sheegay in uu wax ka qaban doono codsiga suxufiyiinta. Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in suxufiyiinta loo ogolaan doono xarumaha dowladda lana siin doono wixii xog ah oo ay dowladda uga baahdaan.
GT Newsdesk, Muqdishu
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































