Ra’iisal Wasaaraha Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Dalka Burundi
February 12, 2013---Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Burundi kaasoo saddexdii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Burundi, ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Qaranka Hon. Xakizimana Emilein, waxaana sidoo kale booqashadiisa ku wehlinaya xubno kale oo xildhibaano ah, khubaro Ciidan, ganacsato iyo weriyeyaal.
Gabagabadii kulankooda kadib, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid oo saxaafadda la hadlay ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay Dowladda Burundi, oo iyadu ciidamo kumanaan ah ku soo biirisay howlgalka ciidamada AMISOM.
“Dowladda Soomaaliyeed iyo Burundi waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo waxaan garab istaagnay xilligii ay dhibaatada ku jireen oo ay saraakiisheenu siin jireen tababaro iyo Magangalyo, taas ayaana keentay in maanta ay noo galaan kaalin lama ilaawaan ah oo ay kumanaan Askari oo geesiyaal ah u soo diraan dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka ” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo si gaar ah hambalyo ugu diray madaxda dalka Burundi kuna amaanay go’aankoodaasi geesinimada leh.
Hogaamiyaha wafdigan Hon. Xakizimana Emilein ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay fursad u helaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayna kala hadlaan sidii loo sii dardargelin lahaa howlaha nabadaynta ee AMISOM ay ka wado Soomaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in Askartoodu ay ka howlgalaan Soomaaliya isla markaana ay guulo ka soo hooyaan howl galada ay amaanka ku sugayaan.
GT salah
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































