Wariyaasha Soomaaliyeed oo ka Carooday Xariga Wariye Labaad
Mogadishu, 11 February, 2013: Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ wuxuu si weyn uga careysan yahay xariga soo laalaabtay, cagajugleynta iyo cadaadiska lagu hayo wariyaasha Soomaaliyeed kuwaasoo la xiriira xariga wariye labaad oo lagu magacaabo Daa’uud Cabdi Daa’uud oo iska xiran tan iyo Febraayo 5-teedii isagoon wax dembi ah lagu soo oogin.
Ciidamada booliska dawlada Soomaaliya ayaa xiray wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud, oo ah wariye madax bannaan iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Dallada Wariyaasha Afrika ee Deegaanka iyo Sayniska. Daa’uud waxaa markii la qabanayey uu ku sugnaa afaafka hore ee xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir abaare 2:30 duhurnimo maalinimadii Talaadada ee Febraayo 5, maalintaasoo ku beegneyd maalintii uu dhacay xukunkii maxkamadda ee xariga halka sano loogu xukumay wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto iyo haweeney ku dacwootay in la kufsaday.
Wariye Daa’uud ayaa mudo lix maalmood lagu hayey xabsiga ku yaalla xarunta CID magaalada Muqdisho mana jirin wax eedeyn ah oo illaa haatan lagu soo oogay. Waxaana maanta oo ah Febraayo 11 loo wareejiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho oo lagu xiray.
Febraayo 6, wakiilo ka socda ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ, Agaasimaha idaacadda madaxa bannaan ee Kulmiye- oo oo la shaqeynayey Daa’uud Cabdi Daa’uudiyo xubno ka mid ah qoyska Daa’uud ayaa kula kulmay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse xafiiskiisa waxayna wax ka weydiiyeen kiiska wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud loo heysto. Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu xubnihii la kulmay u xaqiijiyey in Daa’uud la soo siideyn doono balse uu ku sii xirnaan doono xarunta CID-da mudo shan maalmood ah oo sida uu hadalka u dhigay uu ku micneeyay “anshax marin”.
Waxaa jiray dhowr jeer oo masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Qaranka loogu goodiyey xarig aan xad lahayn in lagula kici doono suxufiyiinta.
Masuuliyiinta dawlada Soomaaliya wax hadal ah kama oran xariga wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud. Mana cadda sababta uu illaa hadda u xiran yahay iyo eedaha lagu soo oogi doono waxa ay yihiin.
Booliska Soomaaliyeed iyo garsoorka ayaa waxay aad uga careysan yihiin natiijadii ka dhalatay xukunkii wariye Cabdicasiis Koronto kaasoo la duldhigay xarig hal sano ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu wareystay haweeney ku dacwootay in si qasab ah ay ku kufsadeen ciidamada amaanka dawlada Soomaaliya.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ wuxuu si dhow ula socday tan iyo maalintii la xiray wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud, hase yeeshee ururka NUSOJ wuxuu haatan si aad ah uga walaacsan yahay in kiiska wariye Daa’uud hadda cagaha loo geliyey arrin siyaasadeed taasoo looga dan leeyahay in logy cagajugleeyo lana baqdin geliyo suxufiyiinta.
“Waxaan ugu baaqeynaa dawlada Soomaaliya inay si deg deg ah u siifeyso wariye Daa’uud, ayna tuurto eedeynta iyo xukunka wariye Cabdicasiis Koronto, waana inay dawladu la timaadaa aalad damaanad qaadeysa xorriyada iyo madax bannaanida warbaahinta.” Sidaasi waxaa war saxaafadeedka ku yiri Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ.
“Suxufiinta Soomaaliyeed way soo mareen dhib ku filan, iyadoo 18 wariye laga dilay sanadkii 2012 kaliya iyadoo mid ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilalkaasi aan xitaa loo ciqaabin dembiyadaasi.” Ayuu sii raaciyey Maxamed Ibraahim.
“Dawlada Soomaaliya waa inay muhim siisaa baaritaanada iyo ciwaabista gacmo-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyay dilalka suxufiyiinta laguna ciqaabaa dembiyadooda, waana inay dawlada siisaa badbaado xoriyadda hadalka, xoriyadda saxaafadda iyo amaanka suxufiyiinta”. Ayuu sidoo kale yiri xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ ayaa helay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa inay jirto qorshayaal mu’aamarad iyo shirqoolo ah oo la doonayo in jahwareer looga dhex abuuro warbaahinta madaxa bannaan iyo dawlada taasoo looga dan leeyahay in dawladu lagu qasbo inay u aragto warbaahinta iyo wariyaashaba kuwo cadaw u ah, taasoo haddii ay dhacdo sababi karta ku xadgudub ka dhan ah warbaahinta guud ahaan iyo mashaqo ku habsata kalasoonida wararka warbaahinta.
Gelinsoortimes
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































