Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furay Siminaar Looga Hadlayo Xeerka Isgaarsiinta Iyo Warbaahinta+sawirro
Moqdisho, 09, Feb 2013…… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta si Rasmi ah u furay Siminaar looga doodayo xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta oo ay soo diyaarisay Wasaarada Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gadiidka, waxaana siminaarkaan ka soo qayb galay bahda Saxafada, Isgaariisnta iyo Khubaro ka socota caalamka.
Xeerkaan ayaa u jeedkiisu yahay sidii shuruuc loogu samayn lahaa Isgaarsiinta ka howlgasha dalka gudihiisa sida Shirkadaha Telefoonada, Internetka, iyo Warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo in ka badan mudo 22 sano ah aan lahayn shuruuc cayimaysa xuquuqdooda shaqo iyo qaabkii dowladda canshuurta uga qaadi lahayd.
Ugu horayntii Wasiirka Warfaafinta , Boostada, Isgaarsiinta iyo Gadiidka Mudane Cabdulaahi Cilmooge Xirsi ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay siminaarkaan.
“ Siminaarkaan wuxuu soconaya mudo labo casho ah, waxaana looga doodayaa xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta, dowladuna waxay qiraysaa dhibaatooyinka aad ku soo shaqaynayseen mudada dheer, iyadoo la ogyahay kaalinta ay Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ka qaadatay horumarinta Bulshada mudadii aan ku jirnay bur-burka iyo dowlad la’aanta” ayuu yiri Wasiirku oo intaa ku daray in dib-u-dhiska dalka ay shirkadaha isgaarsiintu ka qateen kaalin mug leh.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay khaldameen waxyaalo badan mudadii aan ku jirnay dowlad la’aanta.
“Waxaa khaldamay in la kala garan waayo waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka dhaxeeya, waxaa la jabiyey xeerkii u yaalay caalamka iyadoo la isticmaalay MOWJADO ay wadamo kala leeyhiin, waxaa lagu xadgudbay xuquudii muwaadinka oo lagu khasbay inuu qaato sadex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda, waxaa isku marmay hareeraha wadooyinka waayaradii telefoonada iyo korontada, si loo saxo dhamaan khaladaadkaas waxaa dowladu soo diyaarisay xeerkaan oo la rabo inaad taladiina ku soo biirisaan ka dibna loo gudbiyo Golaha wasiirada si looga ansixiyo ugu danbayna la horgaynayo Golaha Baarlamaanka oo ka dhigaya sharci lagu dhaqo Isgaarsiinta iyo Warbaahinta”
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa u mahad celiyey kaalinta muuqata oo ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen horumarka dalka.
“ Waxaan u mahad celinayaa kaalinta wax ku oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen hurumarka dalka mudadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta, waxaa marnba aan la dhayal san karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada, oo ay ka midka yihiin Isbitaalada, Waxbarashada, Masaajidada, iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan, waxa kale oo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeena oo aan dowladi kajirin ama nidaam adag lahayn mudo ku dhow 22 sano inuu noqdo wadan ku hormaray Isgaarsiinta iyo Aalada Internetka, waxaana Soomaaliya safka hore kaga jirtaa wadamada Africa ee ku hormaray dhanka isgaarsiinta” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in maanta Soomaaliya uu ka hirgalay isbadal dhinacyo badan leh oo ay hurmuud ka yihiin shacabka Soomaaliyeed kaas oo ku baahay dhamaan gobolada dalka.
Ugu danbayntii Ra’iisul Saacid ayaa sheegay in dowladu ay diyaarinayso nidaamkii looga qaadi lahaa canshuuraha Shirkadaha Isgaarsiinta, taas oo dhaqaalaha dowlada wax weyn ku soo kordhin doona, dowladuna waxaa ay balan qaadaysaa in canshuuraadkaas lagu hormariyo adeegyada kala duwan ee bulshada, wuxuu sidoo kale kula dar daarmay warbaahinta maadxa banaan inay si masuuliyadi ku jirta ay u gutaan shaqadooda ayna ku dadaalaan sidii fariin ka turjumaysa horumarka ay ugu dugbin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.







- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































