Warsaxaafadeedkii Shirkii Golaha Wasiirada
Khamiis, February 7, 2013-----Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin la xariirta Safarka Ra’iisal wasaaruhu ku tegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dib u eegis lagu sameeyey Guddiga Shaqaalaha Rayidka, iyo erey bixin cusub oo loo sameeyey dhismaha Maamulada Gobolada dalka.
Gabogabadii kulankooda ayaa waxaa warfidyeenada la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo sharaxaad ka bixiyay natiijada kulanka Golaha.
Wasiirka ayaa xusay in ugu horeyntii si weyn loo falanqeeyey dowrka ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM, gaar ahaana kuwa dalka Jabuuti ay ka cayaarayaan tababarista iyo jiheynta Ciidamada Dowladda ee ka howlgalaya magaalada B/weyne. Waxayna kaloo ammaan ballaaran u soo jeediyeen kaalinta ciidamada Jabuuti, isagoo xusay in ciidamadani ay muujiyeen walaaltinimada ay Dowladda Jabuuti u heysto Soomaaliya.
“Runtii kalsooni weyn ayay gelisay ciidamada Dowladdeena sida walaaltinimada leh ee ay ciidamada Jabuuti uga howlgalaan B/weyne, iyo sida ay kaalin mugleh uga qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka, laguna soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta”ayuu yiri Mudane Ciilmooge.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Goluhu ay go’aamiyeen in Wasaaradda Maaliyadda ay bilowdo qaadista Canshuurta laga gooyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay dib u eegeen waqtiga howlgalka ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda (Mandate), oo dhamaaday, loona baahday in dib loo eego, wuxuuna xusay in loo xil saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Ugu dambeyntiina, Goluhu waxay erey bixin cusub u sameeyeen maamul u sameynta gobalada dalka, oo maanta kadib ay isku raaceen in loo isticmaalo “Maamul u sameysashada Gobalada dalka”. Maadaama ay gobol iyo degmo kasta xaq u leeyihiin inay iyagu iska soo dhex doortaan dadka hogaanka u noqonaya, taasoo Xukuumaduna ku taageeri doonto.
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































