Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Sameeyey Guddi Baara Ku Xadgudubka Xaquuqda Aadanaha
Muqdisho, Talaado, Feb, 5, 2013----Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Guddi madax banaan oo ka shaqeeya ka soo talabixinta xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda Bani’aadamka, gaar ahaana falalka kufsiga loo geysto dumarka Soomaaliyeed iyo dilalka loo gaysto shacabka iyo Wariyeyaasha.
Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta looga dhawaaqay guddigan, waxaana xaadir ku ahaa goobta dhamaanba xubnaha Guddigan oo ka kooban 13 xubnood, kuwaasoo laga soo dhex xulay Bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana ka mid ah, Garyaqaano, Dadka u Dhaqdhaqaaqa Xaquuqda Dumarka, Culumaa’udiin, Saraakiil Boolis oo caan ah, iyo Hogaamiyayaasha Daladaha Waxbarashada. Iyadoo Guddigani uu heysto muddo 3 bilood ah si uu ugu soo gudbiyo Xukuumadda warbixin rasmi ah oo la xariirta habka ugu fudud ee looga hortagi karo falalka liddiga ku ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga islaamkaba, gaar ahaana Kufsiga iyo dilalka lagula kaco dadweynaha iyo weriyeyaasha ka howlgala dalka.
“Kufsiga iyo dilka wariyayashu waa laba arrimood oo ah ku xadgudub xuquuqda bani’adamka aad ayeeyna noo xanuujinaysaa arrinkaas ka dowlad ahaan, maahan mid aanu u dulqaadanayno inay sii socoto” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo xusay in xilligan oo ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhan kastaba leh, loona baahan yahay in laga hortago falalkan oo dib u dhigaya horumarka dalka iyo dalkaba.
“Si aan dadaalkeena u sii kordhino waxaan maanta samaynay Gudigan madaxa banaan oo talo naga siin doona arrimaha la xariira kufsiga iyo dilalka, waa guddi laga sugayo inay keenaan xaqiiqda ku salaysan tacadiyada ka dhacay dalka, talo cadna naga siiyaan wixii keenay falalkan soo noqnoqday” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo tilmaamay in sababta guddigan loo magacaabay ay tahay welwelka badan ee ay nagu hayso falalkan ka dhanka ah Xaquuqda Bani’aadamka.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddigan Drs. Maryan Yusuf Sh. Cali, waxayna sheegtay in muddo 15 sano ah ay ku howlanaayeen difaaca Xuquuqda aadanaha iyo horumarinta Haweenka, “Riyadaydu markasta waxay ka turjumaysaa sidii wax loogu qaban lahaa haweenka oo ah dadka ugu jilicsan Bulshada, lafdhabarna u ah” ayay tiri Drs Maryan waxayna intaas ku dartay inay dadaal u gali doonaan sidii ay u raadin lahaayeen xaqiiqda ku salaysan cida ka danbaysa kufsiga dumarka iyo dilalka wariyayaasha. lagana soo diyaariyo warbixin si loogu gudbiyo laamaha sharciga si tilaabo looga qaado.
Arrintani waxay timid markii ciidamada dawlada qaar ka mid ah lagu eedeeyey falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay kufsi dumar shacab ah iyo xabsi loo geystay qaar ka mid ah wariyayaashii wax ka qoray arrintan. Maxkamadii la saaray wariyaha iyo gabadha kufsiga ku eedyasay ciidamada dawlada ay maanta ku xukuntay min hal sano oo xarig ah, taasoo dad badan ay cadaalad darro ku tilmaameen.
Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaare “Saacid” ayaa sheegay isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan in uu si diiran u soo dhoweeynayo baaqii Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Mr. Ban Ki-moon uu ka hor jeediyay Golaha Ammaanka taasoo uu ku dalbanayay in la tixgeliyo codsiga Dowladda ee Qaadista Xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992.
Gelinsoortimes.com newsdesk
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































