Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga oo si xiiso leh loogu soo dhaweeyey Minnesota
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Mr. Xuseen Carab Ciise ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis. Wasiirka oo qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ay ku sharfeen xaflad loogu mahadcelinayay shaqadii uu ka soo qabtay Soomaaliya xilli kala guur ah oo aan Soomaaliya mustaqbalkeeda la hubin. Waxaa la gudoonsiiyay abaalmarin ku saabsan shaqadii uu soo qabtay iyo geesinimadii ku dhalisay in uu naftiisa qatar u geliyo nabada iyo horumarka dadkiisa, asagoo ka soo qayb qaatay sidii Soomaaliya looga saari lahaa ku meel gaarka lagu hayey muddo ka badan 22 sano.
Xafladan lagu sharfayay wasiirka ayaa waxaa lagu qabtay qaacada caanka ah ee Safari
Hall, ee ku yaal Minneapolis, isla halkaas oo ahayd meeshii lagu sagootinayey markii hore ee wasiirka Gaashaandhiga loo magacaabay,sannado ka hor. Waqtigaas oo uu Soomaaliya u sii socday iyo hadda, waxaa ka muuqatay is badal weyn. Shaki iyo cabsi badan ayaa ka muuqatay waqtigaas. Haddana waxaa ka muuqatay kalsooni farabadan. Wuxuu qeyb weyn ku lahaa oo uu dhexda uga jiray burburkii ku dhacay Al Shabaabiyo soo celintii nabada Magaala madaxda Muqdishu. Wasiirka wuxuu dadweynaha ka codsaday in wadanka dib loogu soo celiyo maskaxda iyo hantidada Soomaalida qurbo joogta ah, wuxuuna tilmaamay in ay Soomaaliya is badashay oo ay sii fiicnaaneyso maalin walba.
Waxaa xafladaas qabanqaabiyey aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Calan ilaaliyaasha ah,
kuwaasoo marwalba u taagnaa inaan Soomaaliya gumeysi ku noqon, Soomaaliduna u tashato dalkeeda iyo danteeda. Aqoonyahanadaas oo intii dawladihii ku meelgaarka ahaa jireen u istaagay inay calanka Soomaaliyeed kor u qaadaan si aduunka oo dhan looga waantoobo in Soomaaliya maxmiyad la galiyo, ayaa waxay isticmaali jireen inay soo dhaweeyaan oo xaflado qadarin ah u sameeyaan qofkii markaas qabta jagada madaxweynaha iyo kan ra'isalwasaaraha. Isu 
imaatinadaas la abaabulayey iyo dadka Soomaaliyeed ee xafladahaasas ka soo qayb galayey oo calanka lulayey waxay hami weyn galiyeen ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto waxayna niyad jab ku abuurtay dawladihii Soomaaliya dabinka la raadinayey, waayo waxay mar kasta arkayeen inay Soomaalida qurbaha joogta aynan ogolayn u dhiibida calanka Soomaaliyeed dawlad kale.
Waxaa goobta ku sugnaa Generaalo, Cornello, mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladihii hore, mas'uuliyiin ka tirsan dawlada hadda jirta iyo dadweyne farabadan oo aad ugu faraxsanaa horumarinta dalkii hooyo.
Saalax Axmed
MPLS, MN
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































