Ra'iisal Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada + Sawiro

Muqdisho,(GT)---Arbaco, January, 30, 2013-----Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dowrka ay dooneyso in Q/midoobay ay ka cayaarto geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhinacyada ay ka taageeri karto sida Garsoorka, Amniga iyo Dib u dhiska dalka.
Shir jaraa'id oo ay wadajir ugu qabteen Warbaahinta ayay ku faah faahiyeen natiijada kulanka iyo waxyaalaha la isla gartay.
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.
"Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Q/midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka" ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Kaaliyaha Xoghayaha guud Mr. Jeffrey Feltman ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato R.wasaaraha Xukuumada Rasmiga ah Mudane Saacid, isagoo tilmaamay in kulankani uu daba socdo kulan dhowaan dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Q.midoobay Mr. Ban Ki-moon.
"Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan" ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go'aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.
Kaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in go’aan ka gaarista Aayaha Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Q/midoobayna ay uga dambeyneyso go'aamadooda, isagoo dhanka kale xusay in ay taageero u hayaan Dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taabageliyo keeneysa Horumar weyn oo dhinac kastaba leh.
Kulankan R.wasaaraha iyo Kaaliyaha waxaa kale oo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C.kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Garsoorka Mudane C.llaahi Ebyan Nuur, iyo dhanka Q.midoobay oo uu ku wehliyay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Amb. Augostine Mahiga.
Gelinsoortimes.com




- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































