Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga U Qaabilsan Soomaaliya.

Muqdisho,(GT) 28, Jan, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adrea Mazzela. Waxyaalaha ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada waddan.
Kulan qaatay mudo saacad ah kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Danjiraha Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya.
Ra’isal Wasaare Saacid oo ka warbixinaya waxyaabihii ay ka wada hadleen DanjirahaTalyaaniga ayaa yiri.
“Sida aynu ka warqabno waxaa ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya xariir taariikhi ah, waxaana aad uga mahadcelin taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu la garab taagantahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u bilaaban doona labada Dowladood, isagoona xariirkaan ka duwanaan doono xiriirkii ka dhexayn jiray labada waddan, waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba soo dhaweynayaan in xariirkaan hada bilowday uu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg dego” Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa intaa ku daray si loo xoojiyo wada shaqaynta labada waddan ay ka rajaynayaan Dowladda Talyaaniga in ay soo dadajiso furitaanka Safaradooda.
Dhanka kale danjirah Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mazzela ayaa dhankiisa xaqiijiyey in xiriir dhow ee dhex mara labada Dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.
“Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa sida wanaagan ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyey, waxaana balan qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto Soomaaliya horumarinta Gaashaandhiga, Cadaaladda, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Dib-U-Dhiska Dalka.
Safiirka Talyaaniga ayaa intaas ku daray in Dowladoodu ay la yeelan doonto xiriir siyaasadeed oo toos ah. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay Xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax qabad la taaban karo boqlka maalmood ee lagu dhex jiro.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay iin deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman, Dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba marinta, ayna bilwoday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arinkaas laga dareemo dhamaan dalka oo dhan.
Gelinsoortimes.com



- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































