Danjiraha Somaliya ufadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerico iyo Danjiraha Cusub ee Kenya oo Maanta gaaray Magaalada Muqdisho+Sawiro

Moqdish(GT)Arbaco, January 23, 2013----Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Ameerico ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde isagoo horkacayay wafti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.
Waftigaan ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha cusub oo Kenya u soo magacowday Soomaaliya Mudane Josphat Maikara oo maanata la qorshaynayo inuu warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo u gudbiyo Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud .
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Americo oo saxaafada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga ku nool caasimada Kenya ee Nairobi iyo dadaalo badan oo ay samaysay safaaradda Soomaaliya oo ku aadan sidii Qaxootigaas u heli lahaayeen xuquudda ay helaan dadka Kenyaanka ah.
“Waxaan dadaal u galnay sidii aan dowladda Kenya uga dhaadhicin lahayn inay ka dayso qasab ku rarida dadka Qaxootiga ah ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana arrinkaas nagala shaqeeyey hay’ada Qaxootiga ee (UNHCR) waana nalaga aqbaly arrinkaas, waxaana dadka Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay ilaaliyaan sharciga iyo Amniga dalka Kenya kalana shaqeeyaan dowladda sidii ay isaga dhex qaban lahaayeen kuwa carqaladaynaya nabad ku wada noolanshaha bulshooyinka ku dhaqan dalka Kenya” ayuu yiri Mudane Americo oo dhanka kalana sheegay in dowlada Kenya iyo Soomaaliya uu u bilaabanayo xiriir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid lagu xaqiijinayo Amniga gobolka madaama maanta Danjiraha cusub ee Kenya uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbinayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu danbayntii Danjiraha cusub ee Dowladda Kenya u soo Magacowday Soomaaliya Mudane Josphat Maikara ayaa sheegay in xariir wanaagsan uu markasta ka dhexeeyo labada waddan, hadana la sii xoojinayo markii si rasmi ah safaaradeenu dhawaan uga howlgasho magaalada Moqdisho. Waxaana labada dal ka dhexeyaa xiriir ganacsi oo aad u balaaran.
Gelinsoortimes.com
Muqdisho, Somalia









- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































