Ra'sulwasaaraha Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Q.midoobay Amb. Mahiga

(GT) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha. Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid iyo Amb. Mahiga ayay ku faah faahiyeen ujeedada kulankan iyo natiijada. “Wakiilka Q/midoobay Amb. Mahiga waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo badan oo ay ku jirto dadaalada Caalamku wado ee ku aadan Horumarka iyo taageerada Xukuumadda, wuxuuna inoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay in Amb. Uu ugu hambalyeeyey Dowladda Mareykanku aqoonsigii ay u muujisay dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay inay ka wada hadleen dhowrista Xuquuda aadanaha, gaar ahaana ka hortagga falalka ka dhanka ah Saxafiyiinta iyo dumarka. “Dowladdu waxay illaalineysaa isla markaana xushmad gaar ah u heystaa bahda warfaafinta oo iyagu u dhabar adeygay sidii ay bulshadooda iyo bulshada Caalamka ugu bandhigi lahaayeen xaaladdaha dhabta ah ee ka jira dalkeena” ayuu mar kale yiri R.wasaaruhu isagoo si gaar ah u xusay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxo uu ku tilmaamay Iimaan laawayaal ku xadgudba sharafka Gabdhaha Soomaaliyeed. Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Amb. Mahiga oo isna hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la kulmo isaga oo ka wakiil ah Q/midoobay Ra’iisal Wasaare Saacid oo uu tilmaamay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad Rasmi ah, Sharci ah isla markaana ku timid si Dumuqraadi ah. “Waxaan rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in Q/midoobay ay aad u taageersantahay Dowladda Soomaaliyeed oo ah Dowlad matileysa Shacabkeeda” ayuu yiri Amb. Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay balanqaadeyso inay gacan ka geysaneyso Dib u dhiska dalka iyo Hay’addihii Dowladda. Sidoo kale Amb. Mahiga ayaa tilmaamay in ay Dowladda ka taageerayaan Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha dalka ee tiradoodu gaareyso 1 Million, Nus Million ka mid ahna ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho. Amb. Mahiga ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen siyaasada cad ee ay Dowladdu fulineyso wuxuuna hoosta ka xariiqay inay aad ula dhacsan yihiin Wadajirka iyo Nufnaanta ay muuiyeen. Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ula kulmay bahda Warbaahinta gudaha iyo Dibadda, isaga oo si dhow u weydiiyay tabashadooda iyo caqabadaha jira, waxayna warbixin dheer ka siiyeen aragtidooda ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda Soomaaliyeed iyo Horumarka ay sameyneyso, waxayna ka hadleen falalka liddiga ku ah Saxafiyiinta oo ay codsadeen in laga hortago falalkaasi. Isagoo R.wasaaruhu ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan Guddi u hadla bahda Warbaahinta.
Gelinsoortimes.com
Xafiiska wararka Somalia




- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































