Ra’iisal Wasaare Saacid oo maanta booqday qeybo ka mid ah Muqidsho iyo Gobolka Sh/hoose
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta booqashooyin ku kala bixiyay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose, Idaacadda Shabeelle, Garoonka Aadan Cadde iyo Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa booqashadiisan ku weheliyay, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Mudane Cabdishakuur Cali Mire, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Shariif Sheekhuna Maye, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu horeyntii Wefdiga ayaa booqashadooda ka bilaabay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay kula kulmeen Odayaasha degmada, waxgaradka, mas’uuliyiinta gobolka Sh/hoose iyo kan degmada Afgooye, Iyagoona ku qaabilay beerta Sheekh Zaa’id ee degmadaasi.
Odayaasha iyo waxgaradkii la kulmay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday in maamulka gobalka iyo kan degmada uu noqdo mid ay soo doorteen dadka deegaanka, isla markaana ay raali ka yihiin.
R.Wasaare Saacid ayaa odayaasha iyo waxgaradka u balan qaaday in maamul kasta ee dalka uu noqdo mid ay soo doortaan dadka deegaan islamarkaana ay raalli ka yihiin.
Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday xarunta Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho, Isagoo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Idaacada isaga oo uga tacsiyadeeyay geeridii wariye Cabdi Xareed ee maalintii Jimcaha lagu dilay magaalada Muqdisho, wuxuuna khadka telefoonka kula xiriiray Ra'iisul Wasaaruhu eheladii Weriyaha geeriyooday.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in aan loo dulqaadaneyn in degmada Dharkinley ay noqoto mid lagu ugaarsado Wariyayaasha arrintaasna ay si adag u baari doonaan Hay’addaha Amniga, wuxuuna rajo ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigo dhagar qabayaashii dilka u geystay Marxuum Xareed iyo kuwii ka horeeyeyba.
Ugu dambeyntii Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale booqday Garoonka Aadan-cadde, isagoo kormeeray xafiiska garoonka diyaaradaha iyo sida ay u shaqeeyaan. Wuxuuna socdaalkiisa maanta ku soo gaba-gabeeyay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah Hoteelada ugu Caalamisan ee magaalada laga hirgeliyay.
Gelinsoortimes-Xafiiska Muqdisho
Hoos ka daawo sawirrada booqashada R/wasaare Saacid









- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































