Warsaxaafadeed: R.W oo Talaabo Horumar leh ku tilmaamay Aqoonsiga Dowladda Mareykanka
Sabti, January 19, 2013-----Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Mareykanka ee ahaa inay Aqoonsatay Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaas talaabo Horumar leh dalka & dadka Soomaliyeedna dan u ah.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa sheegay in aaney iska imaan aqoonsiga Dowladda Mareykanka balse ay ku timid Dhabar adeyg, Hufnaan iyo Midnimada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Horumarada siyaasadeed ee ugu dambeeyey sida Doorashooyinkii Baarlamaanka, Madaxweyne Hassan Sheikh iyo soo dhisidii xukuumada kooban.
"Dadaalka Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ayaa ka dambeeyay aqoonsiga Mareykanka ee dowladda Soomaaliya waayo waxaan dhisanay oo aan yeelanay Dastuur, Baarlamaan Demoqoraadi ah, Xukuumad iyo Madaxweyne isbedel doon ah" ayuu yiri R.wasaaruhu isagoo uga mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Mareykanka kalsoonida buuxda ee ay geliyeen.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay Dowladdaha kale ee Caalamka inay ku daydaan talabaadan Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowladda Soomaaliyeed, isagoo u mahadceliyay Dowladihii iyo urur goboleedyadii horay u aqoonsaday
Tacsi.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa waxa uu isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan Tacsi u diray Alle ha u naxariistee, Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo taariikhdu markay aheyd 18-Janaayo 2013 ay kooxo hubeysani ku toogteen magaalada Muqdisho. Mudane Saacid wuxuu si gaar ah Tacsi ugu diray Qoyskiisa, Qaraabadiisa iyo Warbaahinta Shabelle oo uu ka howlgali jiray wariye Abdi Xareed.
" Aad baan uga xumahay geerida Wariye Cabdi Xareed Cismaan aadbay ii taabatay waxaana muragadaasi la qeybsanayaa Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka" ayuu yiri R.wasaaruhu wuxuuna Tacsi taasi la mid ah u diray bahda Warbaahinta iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.
R.wasaaraha ayaa xusay in dilka Wariye Xareed ay Laamaha ammaanku soo gaarsiiyeen warbixin kooban, balse uu ku wargeliyay in loo soo gudbiyo warbixin dhameystiran, si deg deg ahna looga howlgalo si talaabo looga qaado kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee geystay falkan,
Xarigga Wariye Koronto.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa sidoo kale ka hadlay xarigga wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo todobaadkii labaad ku jira gacanta Dowladda, wuxuuna ku tilmaamay in arrintani uu aad isugu howlay sidii loo soo gabgabeyn lahaa, hay’addaha amniga iyo maxkamadana uu faray in si deg deg ah kiiskan loo soo afjaro, haddii uu dembi ku cadaado Weriyahana la waafajiyo sharciga, haddii uu ku cadaan waayona, sharciga lagu qaado. Wuxuuna ugu dambeyntii ku celiyay in Xukuumadu ay ilaalinayso Xorriyadda hadalka iyo mida saxaafada.
Gelinsoortimes
Xafiiska Muqdisho
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































