Golaha Wasiirada Somaliya oo Maanta Shir ku yeeshay Magalada Muqdisho iyo Qodobo laga Dooday

Muqdish,(GT)Khamiis, January 17, 2013------Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta CID-da.
Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay ka doodeen dhacdadii 15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Waayeel ah. Waxaana ku dhaawacmay 7 ruux oo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulanka kadib, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.
- In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan
- In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin.
- In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo celiyaan warbixin.
- Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alle bogsiiyo
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xariga weriye C/casiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka
Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la xariirta Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay sharcigana la horgeyn doono.
“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah” ayuu yiri wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay galeen falal Kufsi ah.
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo la xariira dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo arrinkaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin goobo aan munaasib ku aheyn degaanka kuwaasoo aan laheyn agabkii degaanka sida biyo, caafimaad iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkani goobo ku wanaagsan degaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha.
Dhinaca kale, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in 26 illaa 31-ka bishan Janaayo loo aqoonsado todobaadka Nadaafada Dalka. Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in laga sameeyo ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. Xafiiska, Wararka, Somalia


- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































