Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Galabta Soo Bandhigay Saddex Nin oo u Dhashay Dalka Siiriya oo Burcad Badeed Sii Daysay.

Moqdisho, (GT)12, jan, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku soo bandhigay sadex nin oo ay burcad badeed afduub u haysteen in ka badan labo sanadood, sadexda nin ayaa u dhashay dalka Siiriya waxaana la kala yiraahdaa Ridwaad Khaalid Daaha, Mu’ayid Hani Weliyow iyo Yahye Cali Cabsi.
Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo ka warbixinaya qaabka loo soo daayey iyo dareenkiisa ayaa yiri.
“Aad waxaan ugu faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyadooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuda bini’adamka ayaa xorriyadooda looga haystay muddo ka badan labo sanadood, kadib markii la afduubtay iyagoo la socday markab la yiraahdo Orna oo ay wateen bishii Dec, 2010. Waa nasiib daro mana jirto wax sharaxaad ah oo laga bixin karo sidii ay u waayeen xoriyadooda, shacabka Soomaaliyeedna waa ka tacsiyeeynayaan in muddo intaas le’eg la haysto dad aan waxba galabsan. Waxaan halkaan uga soo jeedinayaa mahad naq balaaran maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay nala jooggaan qaar ka mid ah masuuliyiintooda oo xil iska saaray sidii la haystayaashaan u dhashay dalka Siiriya ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda mana jiraan wax madax furasha ah oo laga bixiyey siidayntooda”
Dhankakale Ra’iisul Wasaare “Saacid” ayaa sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin dowladooda cusub una garab taagayn yihiin.
“Tani waxay markhaati ka tahay sida ay ugu kalsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed dowladda cusub oo muddada gaaban jirtay, waxaana muuqata sida Burcad badeedku u qaateen baaqa dowaldda oo ahaa in dadka ku howlan burcad badeednimada ay faraha kala baxaan. Sidoo kale dowaldu waxay balan qaadaysaa inta ay jooggaan muwaadiniintaan u dhashay dalka Siiriya magaalada Muqdisho in ay dowladu bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsaha badana dowladdu ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii, arinkaasna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka. Waana ka xunahay wixii gaaray mana ahayn go’aan dad Soomaaliyeed ay gareen ee waa arin ay ku dhaqaaqeen dhalinyaro caadaystay burcad badeednimo”
Sidoo kale Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo haystay afduubka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda, isagoona u mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay siidayntooda iyagoon bixin wax madax furasho ah.
Arritaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burcad badeed gaaraysa 100 ay ka tanaasuleen falalkii xumaa ee ay gacanta kula jireen muddooyinkii u danbeeyey, isla markaana maalmo ka hor lasii daayey saddex nin oo u kala dhashay waddamada Siiriya iyo Sirilaanka, kadib markii ay isku howshay sii dayntooda dowladda Soomaaliya.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. Xafiiska waraka Somalia






- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































