Shirgada Telefonda Hormuudtelcon oo Cagta Saartay Wadadii Burburka iyo cabsi laga Muujinayo in ay sidii Barakaat Udhamaato
Muqdisho,(GT) Xigasho allgedo.com
Waxaa maalmahan warbaahinta gudaha iyo dibaduba ay baahinayeen warar kusaabsan burburka soo wajahay Shirkada Hormuudtelcom, taas oo sabab looga dhigay dhianacyo badan sida, Arimo siyaasadeed, kuwo Qabiil, iyo weliba hanti lagala baxay koontada shirkada oo gaaraysa ugu yaraan $3,560.000 (Saddex Milyan iyo shan boqol iyo lixdan kun oo Dollar) lana filayo inay la baxeen qaar ka mid ah madaxda shirkada iyagoo aan marin Hab-xisaabeedka shirkada, waxaana hada soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo arimahas, balse weli wax-xal ah lagama gaarin.
Masuul katirsan shirkadan oo Magaciisa qariyey ayaa sheegay inuu soojiitamayey muranka u dhexeeya madaxda shirkada ugu yaraan mudo 3 bilood ah, waxaase aakhirkii lagu guulaystay in labedelo Gudoomiyihii hore, iyadoo uu xilkiina lawareegay Mudane Shekh Ahmed-Nur Ali Jimcale. Arinta Gudoomiyaha labedelay ayaa lafteedu kamid noqotay dhibaatooyinka shirkada soo foodsaaray, waxaana hada bilowday inay saamilaydu bilabaan shaki qaarkoodna ayba codsadeen in lacagohooda lasiiyo, waxaana baqdin xoogleh laga qabaa in arintani ay mar qura faraha ka baxdo, sidii horeba u qabsatay saamilaydii shirkadii Qaranexpress oo maalin qura lawaayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Shirkada Hormuud Telcom ayaa noqonaysa shirkadii ugu danabaysay ee ay soo wajaho bur-bur dhinacyo badan leh, waxaana filayaa inay adkaan doonto badbaadinta Shirkadaan hadii aan la helin tanaasul badan oo ay dhinacyadu sameeyaan, waxaana ka soconaya magaalooyinka Muqdisho & Dubai dadaalo lagula tacaalayo arintan oo dhabar jab ku noqon karta dadka Soomaaliyeed oo leh hantida ay ku shaqaynayso shirkadaasi. Sidoo kale, waxaa wel-wel wayn muujinaya dad ay hore ula degeen shirkadihii Albarakaat & Qaran Express.
“Dhibaatooyinka soo wajaha dadka maalka ku shirkooba waxaa ugu dhib badan kala duwanaanshaha fikirka” sidaas waxaa yiri Oday Muuse Maxamud (Muuse Lugadheere) oo mudo ganacsade ka ahaa Soomaliya balse hada u muuqda khabiir wax badan ka garan kara dhibaatooyinka ka dhasha is qab-qabsiga, isagoo xusay in xiligaani yahay midka ay ugu nugul yihiin dadka wax haystahi iska hor imaadka, wuxuuna ugu baaqay raga isku haya gacan kuhaynta iyo maamulka shirkadaas inay isku tanasulaan, ayna firiyaan danta dadka ay hantidooda hayaan.
Ugu danbayntiina, waxaan eegi doonaa sida ay ku dhamaato arintani, waxaana isku dayi doonaa inaan si hoose ula socono hadba xaalka halka uu maraayo iyo waxa ay arrintaani ku dhamaato.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. Xafiiska Wararka Somalia
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































