Xukuumadda Soomaaliya oo Ku Guulaysatay in Si Nabad Galyo Ah Looga Soo Daayo Lahaystayaal U Afduubnaa Burcad Badeed
Moqdisho,(GT) 04, Jan, 2013……Shir Jara’id oo uu Shalay ku qabtay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xafiiskiisa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa wuxuu faafaahin ka bixiyey la haystayaal u kala dhashay wadamada Siiriya iyo Sirilaanka oo mudo ka badan labo sano afduub ay u haysteen Burcad badeed Soomaali ah.
Dadaal dheer oo ay iska kaashadeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu guulaystay lahaystayaashaan oo kala ah Ibraahim Cabdalle Jowri oo ah Kabtanka Markabka Orna, Axmed Cabdalla oo ahaa Enjineerka Markabka iyo Sarath Chandra oo ka tirsanaa shaqaalaha Markabaka in si nabad galyo ah looga soo daayo burcad badeedii haystay.
Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya “Saacid” ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaran iyo Hay’ada Nabad Sugida, dadaalkii dheeraadka ahaa ee ay ku bixiyeen sidii xorrnimadooda u heli lahaayeen dhibanayaashaas.
“Dadaal dheer oo ay xukuumaddu qaaday waxaan ku guulayanay in dad walaaheen ah oo mudo dheer ay burcad badeed gacanta ku haysay ay dib u helaan xornimadooda. Waxaan rabaana inaan halkaan ku sagootino si ay dadkoodii iyo dalkoodii ula qaybsadaan farxada, islamarkaasna ugu muujino caalamka sida ay nooga go’antahay in xukuumadu aysan marnaba raali ka ahayn in dad aan waxba galabsan la afduubto. Sidoo kale xukuumaddu waxaa ay isku howlaysaa sidii ay uga hortagi lahayd falalka burcad badeednimada ah ee mararka qaar ka dhaca biyaha Soomaaliya.Sida aan la socono waxaa kaliya oo Burcad Badeeda loga guulaysan karo waa in caalamku la garab istaago taageero caalami si looga sifeeyo dhulka ku teedsan xeebaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Sidoo kale Sarath Chandra Surajena una dhashay dalka Sirilanka ayaa yiri.
“ Lama soo koobi karo farxad aan maanta dareemayo, waxaan afduubnaa mudo labo sano ah runtii aad ayaan u wel weli jiray lakiin dadaalka ay dowladdu u gashay sii dayntayda waxaan oran karaa inay tahay mid i hilmaansiisay wixii dhib ahaa oo isoo maray, xataa burcad badeedii i haystay mudadaas waan iska cafiyey maanta madaama ay dowaladda Soomaaliya si wanaagsan noo soo samata bixisay”
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare “Saacid” ayaa ugu baaqay kooxaha burcad badeedka ah inay ka haraan falalkan xun oo ay gacamaha kula jiraan taas oo u soo jiiday dalkeena sumcad xumo, waxaan sidoo kale ugu baaqay kooxahaas dadka aan waxba galabsan oo u afduuban inay si shuruud la’aan ah ku siidaayaan.
Gelinsoortimes$gmail.com Xafiiska Wararka -Muqdisho


- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































