Dhacdooyinkii Soomaaliaya Saamaynta ku lahaa 2012
Dhacdooyin badan oo naxdin iyo farxadba leh baa soo maray aduunka sanadkii 2012, ayadoo qof walba mid ay muhiim u tahay oo uu doorbidayo ayaan haddana waxaa la isku raacsan yahay dhacdooyinka dawladnimada Soomaaliya ayada ayaanan ku bilaabaynaa:
Qaran dib ma loo helay? : Muddo dheer ayaa wadanka Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ka jiray rajo la’aan ku aadan bal inay qaran aduunka laga aqoonsanyahay dib ugu soo noqon karto. Haddaba halgan dheer ka dib waxaa ummadda Soomaaliyeed u suurtawday inay mar kale ka mid noqoto dawladaha aduunka ayna wadankeeda dib u sheegato. Waxay ahayd bishii Sebtember 2012 markii rajadaas Soomaalida ku soo noqotay,
halkaasoo baarlamaan odayaal ay soo xuleen uu doortay madaxweyne cusub, markaas laga bilaabana waxaa Soomaali badan ka degay welwalkii ku aadanaa in qaranimada wadanku ay khatar ugu jirto inay dhunto, taaso dabcan ku saabsanayd hadii ay fashilanto habkii wax lagu waday oo ku meel gaarnimada looga bixi lahaa. Bal dawladaan la helay qaranimo ma taqaan oo ma soo celin haybadeedii, mise galti macruuf qaran iyo qabiil isku walaaqay noqon? Taasi taariikhdaa qori ee ha ka hordhicin !.
Lumidii Shabaab: Waxaa kaloo sanadka 2012 Soomaaliya aad looga soo dhaweeyey in dhalinyaradii Shabaab ay laqmadeen ka dib markii ay dhumiyeen kalsoonidii ummaddii Soomaaliyeed, haddaba in Shabaab ay dhunto waxay ku timid waxyaabo badan oo iskaashaday, ha ugu horeyso cadaadiskii xagga dagaalka

ee ay kala kulmeen ciidamada Soomaalida loo soo tababaray iyo kuwa AMISOM oo taageerayey, hana ku xigto midda ugu weyn oo ah horumarin xagga maamulka ah oo aynan ka samayn degmooyinkii ay haysteen, ayagoon maamulkii dadweynaha ay haystaan ka qayb galin, wax hab ah oo maamul loogu saamayana aan soo bandhigin. Degmooyinkii ay ka talinayeen ayaa dadweynihii ku dhaqnaa u arkeen kali taliyayaal ku gabanaya imaamnimada iyo walaayada islaamka, taas ayaana keentay in meeshii ay ka baxaanba dadweynuhu ay neefsadaan, inkastoo xagga amaanka sugudiisa ay dadku aad u jeclaayeen hadana sida cadaatay sugidda amaanka iyo kala dambaynta kaliya way u kasbi weyday Shabaab kalsoonidii dadka.
Abaarihii ka dhacay Soomaaliya iyo Turkiga oo yimid: Abaarihii ka dhacay Soomaaliya ayaa dad badan halaagtay inakstoo dad badan oo qurba joogta ah iyo aduunkuba u gurmadeen. Gurmadkii ugu faa’iidada badnaa ee Soomaalidu muddo dhaw ka hesho aduunka ayaa ka yimid wadanka Turkiga, kasoo ra’asalwasaaraha Turkigu noqday madaxii dawladeed ee ka dega Muqdishu intii dawlada dhexe burburtay ka dib. Ku soo biirida saaxada caawinida dadka Soomaaliyeed ayaa Turkiga Soomaalidu u arkeen inay wax ka
badali doonto mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, taasoo muddo ka badan soddon sano ay dawladaha reer galbeedka iyo wadamada Soomaaliya deriska la ah luuq kula jir een, ceegana ku hayeen, ayagoo aduunka kalana ka horaystay. Inkastoo dhaqdhaqaaqa Turkiga iyo waxqabadkiisaba hadda Soomaaliya laga dareemay, haddana waa la arki doonaa mustaqbalka dhaw wuxuu ka badali doono siyaasadda luuqa, taasoo ayaduna ku xiran sida ay madaxda Soomaalidu uga faa’iidaystaan fursadaha Turkigu u abuuri karo qaranka Soomaaliyeed.
Sanadguuradii 52 ee Xornida iyo tii 40 aad ee farta: Waxaa daafaha aduunka ee Soomalida qurbajoogtu ku nooshahay

laga dhigay sanadguuradii 52 aad ee markii Soomaalidu ay dawlad casri ah dhisatay, dabaaldegaas xornimadu kuma cusbayn qurbajoogta ee waxaa saaxada ku soo biiray dadkii iyo dawladii ku meel gaarka ahayd oo ayaduna muddo labaatan sano xus aan la dhigin dhigtay, malaha qurba joogta wadanka ku noqotay ee hogaaminayay markaas DKM ayaa fikradaas lahaa! Laakiin waa allah mahadi haddiiba Soomaaliya gudaheeda looga dabaaldegay xornimadii Soomaaliya.
Waxaa kaloo sanadkan aad loo xusay oo qurbajoogtu ay ka bilaabeen meel walba oo ay joogeen dabaaldegii markii Farta Soomaaliga lagu dhawaaqay lana go’aamiyey in la qoro, xafladahaas oo uu dhiiri galinteeda lahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Jabuuti, ka bidb markii ay soo martay dacalada aduunka. Waxaa kaloo xusid mudan in xafladaas ugu dambaysay lagu soo bandhigay qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga kasoo la yiri ilaa boqolkun oo eray buu ka kooban yahay. Xiisaha kale ee xafladaas lahayd waxaa weeye in ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay gobalada Soomaalidu degto oo dhan sida gobolka NFD, Ogadenya, Somaliland, dawladda Soomaalida iyo Jabuuti, waxaan dhihi karaa waa markii wax u eg Soomaali weyntii lagu hamin jiray meel isugu yimaadaan. Ma laga yaabaa in aragtida Soomaalidu isbadalayso? Mise waa humaag?
aad ugu xeeldheera, Allah ha naxariisto Maxamed Xaashi DHamac “Gaariye”, halyey difaacay dadkiisa iyo dalkiisa, danjire hidaha iyo dhaqanka uu afkeenu hodan ku yahay.
Qoraa:
Saalax Axmed Barre
mpls, USA
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































