War-saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada ee isniintii Tagtay
Isniin, December 24, 2012-----*Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa Maalintii i
sniinnta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa iyadoo uu
shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax
Shir-doon (Saacid).
Kulankan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, Natiijada
Safarkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka uu ku tegay dalka Ciraaq, Mudane Muxiyadin Moxammed Kaalmoy. Sidoo kale Duufaanno la filayo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya.
Gebagebadii kulankan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed isaga oo sheegay
in qodobada laga hadlay ay ugu horreeyey sidii Amniga magaalada Muqdisho
loo sii adkeyn lahaa, wuxuuna xusay in la howlgalinayo ciidamo gaar ah oo
habeen iyo maalinba roondooyin ku sameeya degmooyinka magaalada, waxaana
kabi doona Booliska AMISOM.
Dhinaca kale, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka oo socdaal shaqo ku tegay
dalka Ciraaq, kana qeybgalay kulan halkaasi ay ku yeesheen Wasiirrada
Hawlaha Guud ee Dalalka Carabta ayaa gebegabadii lagu go’aamiyay in
Soomaaliya laga taageero dhanka dib u dhiska iyo Horumarinta. Sidoo kale
waxaa xusid mudan in Dowladda Ciraaq ay balan qaaday inay u soo direyso
Soomaaliya Markab sida mucaawino ah kaasoo lagu qiimeeyay 8 Milyan oo
Doolar, iyadoo sidoo kale ugu yaboohday Soomaaliya lacag dhan 10 Milyan oo
Doolar oo lagu horumarin doono Wasaaradaha Xukuumadda iyadoona soo direysaa
wefdi ballaaran oo ka socda Wasaarado kala duwan oo eegi doona baahida
dalka.
Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen in dib-u-eegis lagu
sameynayo howlaha Maxjarka Xoolaha la dhoofinayo kaasoo lagu waday in la
bilaabo 31-ka bishan Disember, waxaana loo saaray guddi isugu jira
Wasiirro iyo Ganacsato oo soo diyaarin doona howlahii fududeyn lahaa
dhoofinta xoolaha.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa digniin u jeediyay dhamaanba shacabka Soomaaliyeed ee ku nool nawaaxiga Badweynta Hindiya, gaar ahaana kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha, isagoo uga digay in la filanayo inay kacaan dabeylo dhanka badda ka imaanaya, taasoo waxyeello u geysan karta doonyaha kalluumeysiga.
ENGLISH VERSION:
THE OFFICIAL PRESS RELEASE ON THE CABINET MEETINGS
Monday, December 24, 2012: The Ministerial cabinet meeting of the
Federal Somali Government was held today chaired by Prime Minister
Abdi Farah Shirdon (Saa’id).
The agenda discussed in the meeting, among other things, were
security, the outcome of the Public Works & Transport Minister’s trip to
Iraq, H.E. Muhiadin Mohamed Kalmoy and the forecasted cyclone that is
going to hit parts of Puntland tonight.
After the meeting, H.E. Abdikarim Hussein Guled, the Minister of
Interior & National Security spoke to the press and emphasized that
one of the most important items discussed in the agenda was how to
improve the security in Mogadishu. He has underlined that police
patrols will be deployed 24/7 in every district of Mogadishu.
On the other hand, the conference in Iraq on Arab Housing, which was attended by the Minister of Public Works & Transport, H.E. Kalmoy received a pledge from the government of Iraq to assist Somalia in its reconstruction and development. The Government of Iraq has also
pledged the immediate delivery of 18 million dollars in emergency aid. Eight million dollars earmarked for emergency food aid shipment, and ten million dollars to rebuild the various government buildings. The Government of Iraq has also told to the Minister is going to
send a large delegation composed of members from different ministries to meet the
different needs of the Somali government.
The cabinet members have also discussed reforming the operation
regarding the centre for the export of animals on the hoof. It’s
expected to become operational on 31 December. A committee composed of
Ministers and businessman will be preparing the facilitation for
streamlining the export of animals on the hoof.
Ultimately, the Minister of Interior & National Security has issued strong warning
the communities living next to the Ocean to be mindful and take precaution
steps to protect themselves for the strong cyclone winds that has been predicted to
to land sometime tomorrow on the coastline State of Puntland. 
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































