RASMI: Alessandro Del Piero oo wada xaajood dheer kaddib ku biiray..
31-08-2012. Xidiggii hore ee Xulka Qaranka Talyaaniga iyo Kooxda Juventus Alessandro Del Piero oo 19-sanadood difaacayay Funaanadda "Bianconeri" ayaa aakhirkii go'aansaday in uu ku biiro kooxda Sydney FC ee waddanka Australia.
Del Piero oo 37-jir ah, xilli ciyaareedkii la soo dhaafayna sagootiyay Serie A-da Talyaaniga, isla markaana aan heshiiska u cusbooneysiin Juventus ayaa sidoo kale waxaa isku dayayay in ay la waregaan labada kooxood ee kala ah Celtic oo ka dhisan Scotland iyo Sion oo ka dhisan Switzerland, isagoo markii dambena go'aansaday in uu ku biiro Sydney.
Heshiiskan oo lagu daabacay bogga Internet-ka ee kooxda Sydney FC ayaa sidoo kale waxaa qayb weyn ka qaatay madaxa fulinta kooxda ka ciyaarta A-League Tony Pignata iyo xoghayaha Naadiga Scot Barlow, waxaana Del Piero uu noqonayaa mid ka mid ah xiddigihii ugu caansanaa ee ka ciyaara Horyaalka Australia iyadoo hadda ka horna ay ka soo dheeleen laacibiinta kala ah Robbie Fowler, Dwight York iyo Harry Kewell.
Alessandro Del Piero oo xulka Talyaaniga u saftay 91-jeer, isla markaana u dhaliyay 27-Gool ayaa waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii Xulka Talyaaniga u horseeday Koobkii Adduunyada 2006 ee Jarmalka, waxaana illaa iyo hadda taariikhda u galay isagoo ah ciyaaryahankii ugu kulan safashada badnaa taariikhda Juventus, isagoo sidoo kalena ah ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa ee soo mara naadigaasi.
Kulankiisa ugu horrreeya ee kooxdiisa cusub ee Sydney ayaa waxa uu kaga hor tagi doonaa Del Piero kooxda Wellington Pheonix 6-da Bisha October ee soo socota.
gelinsoortimes
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30







































