RASMI: Tottenham oo la wareegtay Goolhaye Hugo Lloris, iska fasaxday Giovanni Dos Santos
31-08-2012. Iyadoo Saqda dhexe ee Caawa albaabada la isugu dhufan doono suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Ingiriiska ayaa kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee dalka Ingiriiska waxa ay ka gaarsiisay suuqa iyadoo heshiis la gashay goolhayaha xulka Qaranka Faransiiska iyo kooxda Lyon Hugo Lloris, iyadoo kula wareegtay 15-Milyan oo Gini.
Goolhayahan heerka sare ah ayaa saacadaha dambe ee galabta mari doona tijaabada caafimaad ee kooxdiisa cusub ee Tottenham, maadaama labada dhinac ay si fiican isugu af garteen heshiiskiisa.
Tottenham ayaa isha ku haysay goolhayahan tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana goolhaye Lloris oo 25-jir ah uu beddeli doonaa goolhayaha 1-aad ee kooxda Spurs Brad Friedel oo 41-jir ah, inkastoo la sheegayo in laga yaabo in Lloris uusan safan kulanka Sabtida garoonka White Harte Line ku dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Norwich City.
Waxyaabaha dar dar geliyay heshiiskani ayaa waxaa ka mid ah lacagtii 42-Milyan oo Euro ahayd oo ay kooxda Tottenham ka heshay heshiiskii Luca Modric oo ay ka iibiyeen kooxda Real Madrid ee dalka Spain.
Spurs intaas kula aysan ekaanin, waxaase ay 27-Milyan oo Euro ay kula soo wareegtay kubbad qaabeeyihii kooxda FC Porto Juan Moutinho, waxaana imaanshihiisu uu dedejiyay in ay 13-Milyan oo Euro kooxda Hamburg kaga iibiyaan Rafael Van Der Vaart oo isagu horey ugu ciyaari jiray kooxdaasi.
Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa boggeeda gaarka ah ee Internetka ku shaacisay in ay iska iibiyaan weeraryahankoodii reer Mexico Giovanni dos Santos oo heshiis 4-sanadood ah u saxiixay kooxda Real Mallorca ee dalka Spain.
23-jirkan ayaa Tottenham waxa uu ku soo biiray 2008-dii markii ay ka soo biibsaday kooxda Barcelona ee dalka Spain, waxaana uu ku guul darreystay in uu saldhig ka samaysto kooxda Spurs.
Gelinsoortimes
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30







































