EUFA SUPER CUP: Wax badan ka ogoow kulanka Adag ee berri dhex maraya Chelsea iyo Athletico Madrid
30-08-20012.Kooxaha Kubadda Cagta Chelsea iyo Athletico Madrid oo ka kala dhisan Ingiriiska iyo Spain ayaa berri ku kulmi doona Final-ka European Super Cup ama (UEFA Super Cup), maadaama Chelsea ay hanatay Koobkii Horyaallada Yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Athletico Madrid iyana ay ku guuleysatay Koobkii Europa League.
Kulankan ayaa waxaa isaga hor imaan doona laba ka mid ah weeraryahannada waqtigan ugu fiican Qaaradda Yurub kuwaasoo kala ah Fernando Torres iyo Radamel Falcao oo labada dhinac u kala ciyaara.
Fernando Torres oo horey ugu ciyaari jiray Athletico Madrid oo ah halkii uu Kubadda ku bilaabay isagoo carruur ah ayaa aad ugu faraxsan in naadiga uu ka tago Gool dhaliyihii Reer Ivory Coast Didier Drogba oo u socdaalay dhinacaa iyo Shiinaha ayaa durba noqday hoggaamiyaha cusub ee dhinaca weerarka The Blues, isagoo 3-goolna dhowaan dhaliyay, waxaana uu sheegay in haddii uu kooxdiisii hore gool ka dhaliyo berri uusan u dabaal degi doonin.
Torres waxa uu ahaa Kabtankii hore ee kooxda Atletico Madrid isagoo intii uu u ciyaarayay u dhaliyay 84-gool, ka hor intii uusan ku biirin kooxda Liverpool 2007-dii, kaddibna Chelsea Bishii January 2011.
Sidoo kale Falcao weeraryahanka Reer Colombia Falcao ee lagu naaneyso "The Tiger" oo isna dhaliyay laba ka mid ah goolashii 3-0 ee ay kooxda Atletico Bilbao kaga qaadeen koobkii Europa League, ayaa mar kale isniintii 3-gool (Hat trick) ka dhaliyay kooxda uu mar walba iska garaaco ee Atletico Bilbao ciyaar ka tirsanayd La Liga-ha Spain, isagoo haatana dhinaca gool dhalinta leh 3-gool.
Haddii aan eegno dhinaca labada kooxood iyo taariikhda ay ku leeyihiin Koobkani, Kooxda Chelsea ayaa haddii ay ku guuleysato Koobkani berri waxay u noqonaysaa markeedii 2-aad ee ay hanato Koobkani, iyadoo markii ugu horreysay ku qaadday isla garoonka lagu ciyaarayo berri Stade Luis II 1998-kii, waxaana waqtigaasi oo laga joogo 14-sanadood ay Koobka ka fara marooqsatay kooxda Real Madrid iyadoo ku dhufatay 1-0.
Xiddigihii waqtigaasi u ciyaarayay kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale waxaa ugu cad caddaa; Roberto Carlos, Raul Gonzales, Clarence Seedorf iyo Fernando Torres.
Tababaraha haatan macallinka u ah Chelsea ee Reer Talyaani Roberto Di Matteo ayaa ku jiray xiddigihii Chelsea u qaaday Koobkii UEFA Super Cup 1998-kii.
Chelsea waxa ay ku guuleysatay Koobkii Horyaallada Yurub ee 2012 iyadoo 4-3 rigooreyaal kaga qaadday kooxda Bayer Munich ee dalka jarmalka iyo garoonkeeda Alianz Arena.
Waxaa meesha ka marnayn weeraryahanka cusub ee kooxda Chelsea Eden Hazard oo si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa Chelsea xilli ciyaareedkan ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in Koobkiisii ugu horreeyay uu la qaado kooxdiisa Chelsea, isagoo saddexdii kulan ee uu ciyaaray Premier League-ga Ingiriiska 1-gool dhaliyey, halka uu dhiibay 6-gool oo kale oo saaxiibadiis ay dhaliyeen.
"Atletico Madrid waa naadi weyn, isla markaana haysta ciyaartooy wanaagsan, waxaan filayaa in ciyaar fiican halkaasi ka dhici doonto kooxdeyduna guuleysan doonto, si aan ula qaado Koobkaygii ugu horreeyay" ayuu Hazard u sheegay bogga gaarka ah ee Xiriirka UEFA.
Weeraryahannada cusub ee kooxda Chelsea Cesar Azpilicueta iyo Victor Moses oo dhowaan ay soo iibsatay Chelsea ayaa la saadaalinayaa in kulankooda ugu horreeya ay u ciyaaraan naadiga The Blues berrito, iyadoo saadaashuna u badan tahay in ay beddel ku soo geli doonaan.
Chelsea waxa ay 13-jeer la ciyaartay Naadiyo ka dhisan Spain, waxaana markii ugu dambeysay ee naadi Spanish ah ay is arkaan ay ahayd 2005/06, kolkaas oo Barcelona ay ka adkaatay Chelsea.
Sidoo kale haddii aan fiirinno Dhinaca kooxda Atletico Madrid iyo khibraddeeda ku aaddan Super Cup-ka Europe, waxaa haddii ay berri ku guuleysato uu noqonayaa markeedii 2-aad ee ay gacanta ku dhigto Koobkani, iyadoo markeedii ugu horreysay Laba sanadood ka hor ka qaadday kooxda Reer Talyaani ee Inter Milan oo ay ku dharbaaxday 2-0.
Kooxda Atletico lagama adkaan 12-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartammada Yurub, iyadoo wareeggii group-yada ee Koobka Europa League sanadkii la soo dhaafay 2-0 ku tuntay kooxda Reer Talyaani ee Udinese.
Kooxda Atletico ee uu wato tababare Diego Simeone haddii taariikhda dib loogu laabto 20-ciyaarood ayay la dheeleen Naadiyada Ingiriiska, weligeedna kama aysan adkaan kooxda Chelsea.
Waqtigii ugu dambeeyey ee Labadan kooxood Chelsea iyo Atletico Madrid ay is arkaan waxa ay ahayd Is araggii Group-yada ee Koobka Horyaallada Yurub 2009/10, waxaana kulankii hore Chelsea ay garoonkeeda Stamford Bridge ku badisay 4-0, halka lugtii labaadna ay garoonka Atletico ee Vincente Calderon kula gashay barbar dhac 2-2.
SHAXDA SUURO GALKA AH EE KOOBKA SUPER CUP-KA YURUB EE KOOXAHA CHELSEA V ATLETICO:
|
CHELSEA
Cech Ivanovic, Cahill, Luiz, Cole Lampard, Mikel, Mata, Hazard, Bertrand Torres |
ATLETICO MADRID
Courtois Juanfran, Miranda, Godin, Filipe Luis Suarez, Gabi Koke, Turan, Rodriguez Falcao |
Isku soo wada duuboo Waa markii ugu dambeysay ee Koobkan Super Cup-ka Yurub lagu ciyaari doono garoonka Stade Luis II ee Monaco, France oo ahaa garoonka keliya ee lagu qabanayay tartankani tan iyo 1998-kii, waxaana xilli ciyaareedka soo socda lagu qaban doonaa garoon ka duwan iyadoo qorshuhuna yahay in sanad walba lagu qabto garoon cusub.
W/Diyaariyay: Yaxye Yuusuf Khasaaro
Rennes - France
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30







































