Madaxweynaha Iiranaan ayaa Sheegay in ay Sirdoonka Maraykanka (CIA) iyo Yahuudu(Mossad) ay ka dambeeyeen Dilkii Saynisyahanka
AFP By Marc Burleigh
Hogaamiyaha Xisbiga haya talada dalka iiraan ayaa ku eedeeyay laamaha sirdoonka Maraykanka iyo Yahuudu inay ka dambeeyen shirqoolkii lagu dilay saynisyahan ku xeeldheeraa nukliyeerka oo la duugi doono Jimcada.
Dhambaal uu ugu tacsiyaynayay marxuumka oo uu websitekiisa ku qoray, ayaa Waxa uu Sheegay Khamanei in sida foosha xun ee fulaynimada ah ee lagu dilay Mustafa Axmedi Roshan ay tahay wax ay ka soo shaqeeyeen ama ay gacan ka gaysteen mukhaabaraadka Maraykanka iyo Yahuudu. Waxa kale oo uu sheegay in mashruuca Nukliyeerka iiraan aanu ahayn mid hal qof ku tiirsanaa ayna wadi doonto Iiraan horumarinta mashruuca si aan ka soo noqosho lahayn oo firfircooni ku jirto.
Waxa uu cambaareeyay Khamanei Maraykanka iyo Israel iyada oo ay ku dhawaaqayaan warfaafinta xag jirta ee Iran in laga aargoosto Siyaasiyiinta iyo Yahuuda madaxdooda- iyo iyada oo ay soo cusboonaadeen balanqaadyo in dib loo furo wadahalo la xiriira Nukliyeerka oo burburay sanad ka hor.
Ali Larijaani oo ah nin u hadla baarlamaanka Iraan ayaa khamiistii ka sheegay Turkiga oo uu socdaal ku tagay in ay Iran diyaar u tahay inay la gasho wada hadalo shanta xubnood ee Qaramada Midoobay Golihiisa Nabadgalyada joogtada ka ah iyo Jarmalkaba. Waxa uu intaasi ku sii daray in ay wadahadaladu noqon karaan kuwo miro dhali kara hadii aanay ahayn khayaano iyo Sir.
Waxa kale oo uu sheegay inay adag tahay in ay gobolka ka dhamaato dhibaato inta ay yuhuuda oo lagu tilmaamo cudurka kansarka oo kale ay jirto.
Catherine Ashton oo madax ka ah xafiiska Arrimaha siyaasada dibedaMidowga Yurub matashana dawladaha waaweyn ee aduunka, ayaa sheegtay inaysan weli jawaab ka helin waraaq ay u dirtay dawlada Iiraan ayna ku waydiisatay inay ku soo noqdaan miiska wadahadalada.
Iiraan ayaa waxa laf dhuungashay ku noqday dawladaha reer galbeedka iyo Qaramada Midoobay oo daba jooga mashruucooda nukliyeerka, iyo waliba wax u muuqda inay yihiin hawlgalo dahsoon oo lagu dilay ugu yaraan sadex ka mida culumadooda sayniska eek u takhasustay nukliyeerka. Iiraan waxa ay markasta sheegtaa in mashruucooda nukliyeerku uu yahay mid nabadgalyo oo looga faaiidaysanayo quwada korantada.
Kadib Nofeembar markii ay soo baxday akhbaarta hayada caaalamiga ah ee quwada atoomikada (IAEA) ayaa waxa ay sii kordhay shaki laga qabo inay Iiraan soo saaranayso awood nukliyeerka, waxana la kordhiyay cunoqabatayno faro badan iyo cadaadis.
Sarkaal maraykan ah oo si qarsoodi ah ula hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in 31kii Disember uu madaxwayne Obama saxiixay qaanuun cusub oo ujeedadiisu tahay in la xiro bangiga dhexe ee iiraan oo ah halka ay soo marto lacagta saliida Iiraan. Waxa kale oo Obama uu sheegay in ay miiska u saaran yahay xalkasta oo suurto gal ah, ayna ku jiraan tilaabooyin militari walaw maamulka Obama ay sheegeen inay jecel hada hayaan tub siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid diplomaasiyadeed.
Dawlada maraykanku waa ay inkirtay inay shaqo ku leedahay dilka saynisyahanka, halka ay dawlada Iraaiilna ka aamustay eedaymaha loo soo jeediyay. Laakiin Sarkaal ciidamada Israaiil ayaa waxa uu ku qoray boggiisa Facebuuga inaanu u barooranaynin dhimashada Axmadi Rooshaan.
Dawlada Iiraana waxa ay waraaq u qortay Qaramada Midoobay ay ku weydiisanayso inay cambaaraysoshirqoolka Axmadi Rooshaan oo ay ku tilmaameen inay ku lug lahaayeen dadyaw shisheeye.
Axmadi Rooshaan iyo darawalkiisii ayaa waxa lagu qarxiyay gaarigiisa peagoutka ahaa ka dib markii isaga oo saxmad wadada ka jirtay awgeed taagan uu nin mooto ku xawaaraynayaa uu ugu dhajiyay bambaano birqabato leh ugu dhajiyay gaadhiga deetana la qarxiyay. nin sadexaad oo la socdayna waa uu dhaawacmay.
Falkani ayaa waxa uu yahay kii afraad oo sidaasi oo kale u dhaca, oo sadex ka mid ahina lagu guulaystay kii afraadna uu ka fakaday ninka hadda madaxa ka ah mashruuca nukliyeerka ee Iiraan.
Ra’iisul wasaaraha Iiraan, wasaarada arrimaha dibeda, sharci sameeyayaalka Iiraan, iyo ciidamada xarsul jamhuuriga ee ugu awooda sareeya wadanku waxa ay dhamaan ku eedeeyeen dilka saynisyahanadooda inay ka dambeeyaan yuhuda iyo Iiraan.
Waxa uu sheegay ergeyga Ruushka u fadhiya golaha amniga ee qaramida midoobay in laga yaabo in xaalad dagaal ay dhici karto ayna Israiil maraykanka ku cadaadinayso arrintaasi. Waxa kale oo uu sheegay inay dhici karto in dukhad military ay maraykanku ku sameeyaan Iiraan oo khatar keeni karta.
Waxa kale oo ay xaaladu sii xumaatay ka dib markii ay Iiraan dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka ee Marineska oo ay Iiraan ku eedaysay inuu jaajuus ahaa iyo qabsashadii ay iiraan qabsatay diyaarad ah nooca aan la wadin oo Maraykanku iska leeyihiin.
Ciidamada Ilaalada ee Iiraan waxa ay bixiyeen digniino inay samayn doonaan dhaqdhaqaaqyo todobaadka soo socda xaga bada ee dhinaca marinka Hormuus ee gacanka ku yaala, oo ay ku muujinahayaan hanjabaadoodii ahayd inay xiri doonaan marinkaasi o ay ka gudubto shan meelood saliida adduunka hadii la soo weeraro ama lagu sameeyo cunaqabatayn weyn.
Dawlada maraykanku waxa ay uga digtay Iiraan inaysan u dhawaanin marinkaasi ayna tahay line guduudan oo khatar ah hadii ay xadgudubto. Haddaba waxa dawlada maraykanku soo dirtay markab labaad oo gacanka korkiisa fadhiya, mid sadexaadna wadada ayuu ku soo jiraa.
Madaxwayne Axmedinejad ayaa waxa uu soo afjaray socdaal uu ku marayay wadamada Latin America oo uu kala hadlayay inay ku taageeraan mashruuciisa nukliyeerka wadankiisa ee xamaasada dhex dhigay Iiraan iyo wadamada reer galbeedka.
Waxaa soo diyaariyay
Kafi Farey
Columbus Ohio
- President Hassan: Al Shabaab are a disgrace to Somalia and will not derail our emerging peace.
- Prime Minister welcomes UN support for government efforts to stabilise Juba regions
- Farewell to Matt Baugh, UK Ambassador to Somalia
- President Hassan hosts EU Political & Security Committee Ambassadors in Mogadishu
- President Hassan Sheikh Mohamud continues to urge peace and calm in Kismayo
- President Hassan hails accession to the Cotonou Agreement as an opportunity for the recovery of Somalia
- Prime Minister wellcomes Saudi Arabia and OIC on launch of landmark relief programme
- Somali Federal Government clarifies its position on territorial waters
- Rebiulding Somalia: Japan Announces $55 Million Direct Aid For Somalia
- Statement of Hassan Sheikh Mohamud, President of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State of IGAD 24 May 2013
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30



















