Reysal Wasaare Cabdiweli oo wal wal ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ee joojinta Xawaaladdaha Soomaalida
Muqdisho, Axad, December 18, 2011-------Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka hadlay go’aanka ay dowladda Mareykanka muddada todobaadyada ah ugu qabatay howshii shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee lacagaha u diri jiray dalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay haddii go’aankaasi uu dhaqan galo inay tahay musiibo iyo dhibaato weyn oo la soo dersi doonta nolosha Malaayiin Soomaali ah kuwaasoo ku tiirsan lacagaha ay ka helaan eheladooda ku nool Qurbaha ee loo soo marsiiyo Xawaaladdaha.
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in Xukuumad ahaan ay wadaan dedaalo la xiriira sidii arrintaasi loo baajin lahaa isagoo sheegay inuu la xiriiray dowladda Mareykanka una diray qoraal sidoo kalena uu xiriir dhanka Telefoonka ah la sameeyey xubno Sanataro ah si ay uga dhaadhiciyaan in Bankiyada Mareykanku aysan joojin wada shaqeyn kala dhexeysa Xawaaladdaha Soomaalida.
“Anagu waxaan wadnaa dedaalo aan ku dooneyno inay sii socoto wada shaqeynta Bankiyada Mareykanka iyo Xawaaladdaha, waxaana qoraal aan ku codsaneyno arrintan in la baajiyo u diray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka, qaarkoodna waxaan kula hadlay Telefoon” ayuu yiri R.wasaaraha oo ku celi celiyay in arrintani ay tahay dhibaato dhaqaale oo soo wajahi doonta shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, R/wasaaruhu waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala xaajoonayaan sidii loo xalin lahaa ama looga hortagi lahaa wixii khatar Amni ah oo ka soo gaari karta Dowladda Mareykanka isagoo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in si wada jir ah looga hortago cid kasta oo qaswade ah oo isku dayda inay si khaldan uga faa’iideystaan lacagahaasi Soomaaliya loo soo diro “Waa waajib in la dhowro Shuruucda iyo Xasiloonida dowladda Mareykanka sababtoo ah dadku lacagaha waxay ka dhex shaqeeyaan Mareykanka gudihiisa mana ahan in isla wadankii ku caawiyay aad ku dhibaateyso lacagtiisii” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiweli.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu sharaxay lacagahan ay dadka dibadduhu u soo diraan eheladooda Soomaaliya jooga inay laf dhabar u tahay nolosha Kumanaankun oo qoysas maadaama buu yiri dalka aysan ka jirin ilo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin shacabku “Lacagta dibadda laga soo diro waxaa lagu qiyaasaa inay dhantahay saddex meelood hal meel wax soo saarka dalka ee sanadkiiba, waana dareemi kartaan waa kharash aad u badan”.
Ugu dambeyntiina, wuxuu xusay inuu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta gudaha ee shirkaddaha Xawaaladdaha si uu ugala hadlo sida loo xakameyn karo in lacagaha ka yimaada dibaddaha aysan si khaldan ugu gacan gelin kooxaha xagjirka ah xiriirkana la eh Argagixisada Caalamiga ah.
- President Hassan: Al Shabaab are a disgrace to Somalia and will not derail our emerging peace.
- Prime Minister welcomes UN support for government efforts to stabilise Juba regions
- Farewell to Matt Baugh, UK Ambassador to Somalia
- President Hassan hosts EU Political & Security Committee Ambassadors in Mogadishu
- President Hassan Sheikh Mohamud continues to urge peace and calm in Kismayo
- President Hassan hails accession to the Cotonou Agreement as an opportunity for the recovery of Somalia
- Prime Minister wellcomes Saudi Arabia and OIC on launch of landmark relief programme
- Somali Federal Government clarifies its position on territorial waters
- Rebiulding Somalia: Japan Announces $55 Million Direct Aid For Somalia
- Statement of Hassan Sheikh Mohamud, President of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State of IGAD 24 May 2013
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30




















