Warsaxaafadeed shirka Golaha Wasiirada November 24 2011
Muqdisho, Khamiis, November 24 2011------Shir ay maanta isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, waxqabadka Xukuumadda, mataaneynta booliiska iyo wasaaradaha dowladda, iyo adeegyada bulshada.
Ugu horreyntii guddiga heerka wasiir ee amniga ayaa warbixin buuxda siiyey golaha sheegayna in amniga caasimadda wax badan laga qabtay oo hay’adaha amniga ay si wanaagsan u waddaan qorshaha xasilinta caasimadda dalka. Waxey kaloo xuseen inay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto iyagoo golaha u soo bandhigay talo soo jeedin ku wajahan sidii loo horumarin lahaa amniga oo ay shacabka iyo hay’adaha amniga ay uga wada shaqeyn lahaayeen soo celinta amniga iyo xasilinta dalka. Golahu waxey oggolaadeen dhammaan talooyinkii la soo jeediyey, waxeyna ku ammaanaan hay’adha amniga iyo maamulka gobolka dadaalada cusub ee bulshada soomaaliyeed looga qeybgalinayo qorshaha soo celinta amniga iyo bilicda magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dhammaan wasaaradaha inay soo gudbiyaan waxqabadkooda oo shacabka soomaaliyeed loo sheego waxii qabsoomay, si ay u timaado isla xisaabtan dhab ah. Golaha ayaa isku raacday in muddadii ay Xukuumaddan jirtay ay suurtogelisay in waxbadan laga qabtay dhinacyo fara badan, sida amniga oo caasimadii laga saaray Al-Shabaab, oo shacabku ay si xor ah u socdaan habeen iyo maalin, isla markaana ay goobihii ganacsiga dib u furmeen, shacabkana ay si xowli ah u wadaan dayactirka guryahooda iyo goobaha ganacsiga oo bilicdii magaalada dib u soo celinaya. Waxaa kaloo wax laga qabtay xoojinta xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda Federaalka ah oo maanta ay marayaan heer aad u wanaagsan, sidoo kale xiriirka joogtada ah iyo wada shaqeynta laga wada shaqeynayo Roadmap ka ayaa iyadana ah horumar cusub una baahan in la joogteeyo.
Arrimaha Gar-gaarka bani’aadanimo ayaa iyadana aheyd waxyaabihii ay xukuumaddan horumarka weyn ka sameysay, maantana ay mareyso heer laga fikiro mashaariic loo sameeyo shacabka si ay guryahooda ugu laabtaan oo ay nolol cusub u sameystaan. Waxa kaloo la suurto geliyey in arday fara badan loo qaaday waxbarasho dibedda ah oo la filayo inay mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda wax u tari doonaan. Arrmaha kale ee horumarka laga sameeyey ayaa lagu sheegay inay yihiin dib u soo nooleyntii adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo nadaafadda caasimadda oo si xowli ah u socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa codsaday in muddo 10 cisho ah wasaarad walba ay ku soo gudbiso waxii u qabsoomay, isla markaana shacabka lala wadaago oo isla xisaabtan dhab ah uu u dhaco.
Ugu danbeyntii Golahu waxey warbixin ka dhageysteen Taliye Ku Xigeenka Booliska Soomaaliyeed General Saacid oo ka warbixiyey xaaladda guud ee Booliiska iyo horumarka baaxadda leh oo ay ka sameeyeen caasimada dalka oo ay suurto geliyeen soo celintii xasiloonida iyo amniga. Warbixinta Taliye ku xigeenka ka dib Golahu waxey isku raaceen in wasaarad walba lagu mataaneeyo Saldhigyada Booliska ee Muqdisho, isla markaana la isla gartay in 20 December ay noqoto maalin wasaarad walba lagu qiimeeyo sida ay ula shaqeeyeen Saldhiga Booliska lagu mataaneeyey oo warbixin buuxda laga sugayaa. Wasiirada waxaa laga rabaa inay degmooyin kala shaqeeyeen sidii shacabka iyo Dowladda la isagu xiri lahaa oo horumar fara badan looga sameyn lahaa dhanka adeegyada bulshada.
Xafiiska Reysal Wasaaraha
Muqdisho, Somalia
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































