Qododo muhiim ah oo kasoo baxay shirki Istanbul iyo heshiis taariikhi ah oo kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Turkey

Gelinsoortimes-Puntland-Soomaalia-Waxaa daqiiqado ka hor si rasmi ah usoo xirmay shirki Istanbul ee labadi maalin ee lasoo dhaafay lagu lafa guray arrimaha Soomaaliya.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya iyo madax ka socotay in ka badan 54 dowladood ayaa waxaa gaba gabadiisii laga soo saaray war murtiyeed.
Hadaba Warmurtiyeedka oo ka kooban 40 qodob ayaa qodobada ugu muhiimsan waxay kala yihiin:-
1- In La Tixgelinayo Madaxbanaanida,Sharafta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
2- In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
3- In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.
4- Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.
5- In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.
6- In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord,Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.
7- In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.
8- In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.
9- In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka.
10- In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.
11- Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.
12- In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi Karin waqtigooda.
13 -Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.
14- In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
15- Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
16- Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.
-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
17- Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.
18- In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
19- In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.
20 -In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.
21- In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
22- In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.
23- In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
24- In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.
25- In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.
26- Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.
27- Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo
28- Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
28- In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta ayadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo iney kusoo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.
29- Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku taageereyso.
30- In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaas la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.
30- In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta ayadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.
31- In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.
32- In la aqoonsado iney Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo kabashada dhaqaalaha loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.
33- In xooga la saaro dib u dhiska dalka ayadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.
34- In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.
35- In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.
36- In Shirkan uusoo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka ayadoo Wadahadaladaasina si deg deg ah loosoo dhaweynayo.
37- In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen.
Fulinta qodobadan ayaa waxaa loo xilsaaray Mas’uuliyadeeda Koobaad Dowladda Turkiga ayadoo beesha Caalamkana ay arintaasi gacan ka geysan doonaan.
La taliyaha Ra’isulwasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo markii Kulanka uusoo gebageboobay kadib wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirka uu guud ahaanba kusoo gebageboobay jawi wanaagsan.
Dhanka kalana dowladaha Turkigia iyo Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis taariikhi ah oo labada geesood ah, kaasi oo ku saabsan horumarin uu Turkiga ku sameyn doono Soomaaliya.
Wasiirka dastuurka Dowlada KMG Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa VOA-da u sheegay in heshiiska uu xooga saari doono sidii Turkiga uu Soomaaliya uga taageeri lahaa dhinacyada dib u dhiska iyo horumarinta.
Soomaaliya waxaa u saxiixay heshiiska ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali halka Turkiga uu qalinka ugu duugay wasiirka arrimaha dibada.
Gelinsoortimes-Puntland-Soomaalia-
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30





































