Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la qaatay ACP iyo mas'uuliyiinta Belgium


Gelinsoortimes-Puntland-Somalia- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Brussels si uu kulamo ula qaato mas'uuliyiinta Midowga Yurub ayaa Isniintii kulamo kala duwan la qaatay ma'uuliyiin ka tirsan dalka Belgium, Kooxda Caalamiga ah ee Africa, Caribbean iyo Pacific (ACP) isla markaana kormeer ku tagey Safaarada Soomaalida ee Belgium iyo Hoyga Safaaradda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiiska iyo hoyga safaaradda Soomaalida isla makraana u kuurgalay howlaha safaaradda.
Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshay Guddiga Safiirada ee dalalka Africa, Caribbean iyo Pacific oo ku mideysan ururka caalamiga ah ee ACP.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu warbixin ka siiyey safiirada ACP xaaladda dalku marayo, horumarka Dowladdu ka sameysey dhinacyo fara badan sida amniga, dastuurka, dib-u-heshiisiinta & xiriirka maamulada, arrimaha gar-gaarka bani'aadanimo iyo maamul wanaaga. Ra'iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Somalia ay ka mid aheyd aasaasayaashii ACP, haddana la rajeynayo in Soomaaliya ay doorkii saliimka ahaa ee ay ku laheyd ACP dhowaan ka qeyb qaadan doonto.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Mr Barosso iyo mas'uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra'iisul Wasaaraha uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa marka uu dhameysto booqashadiisa rasmiga ah ee Belgium uu u gudbi doono dalka UK si uu uga qeybgalo Shirka London ee 23ka Febraayo.
Gelinsoortimes-Puntland-Somalia-
- President Hassan: Al Shabaab are a disgrace to Somalia and will not derail our emerging peace.
- Prime Minister welcomes UN support for government efforts to stabilise Juba regions
- Farewell to Matt Baugh, UK Ambassador to Somalia
- President Hassan hosts EU Political & Security Committee Ambassadors in Mogadishu
- President Hassan Sheikh Mohamud continues to urge peace and calm in Kismayo
- President Hassan hails accession to the Cotonou Agreement as an opportunity for the recovery of Somalia
- Prime Minister wellcomes Saudi Arabia and OIC on launch of landmark relief programme
- Somali Federal Government clarifies its position on territorial waters
- Rebiulding Somalia: Japan Announces $55 Million Direct Aid For Somalia
- Statement of Hassan Sheikh Mohamud, President of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State of IGAD 24 May 2013
- Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
- Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30















































