Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
Akhristow bal dhageyso idaacadaha ku baxa afka Soomaaliga meel kasta oo ay ka jiraan—shanta gees ee ay Soomaalidu ku nooshahay iyo idaacadaha waddammada kale laga leeyahay ee soo saara barnaamijyo af Soomaali ah, ilaa hal saac ama in ka yar markiiba. Waxaad maqleysaa dad waaweyn oo Soomaali ah, oo isugu jira aqoonyahanno iyo aqoonlaaweyaal, culumo iyo caamo, siyaasiyiin iyo dadweyne caadi ah, oo marka ay hadlayaan isticmaalaya afaf qalaad, gaar ahaan afka Ingiriiska. Weriyeyaasha ayaa dadkaas marar badan ka celiya adeegsiga afafka qalaad. Waa cajaa’ib!
Maqaalkan waxaa igu dhaliyey ka dib markaan shalay dhageystay idaacad af Soomaali ku baxda oo laga leeyahay Reer Galbeedka. Nin khabiir ahaan loo wareystay ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan siyaasad iyo dhaqaale, oo saddex ilaa afar goor ayuu ‘musuqmaasuq’ ku yiri af Ingiriis. Weriyihii ayaa laba goor ka saxay, balse ninkii wuxuu u muuqday nin aan dheg jalaq u siineyn, sababtoo ah erayo kale ayuuba af Ingiriis ku sii sheegay, sida ‘maalgelin’, ‘maageliyeyaal’ iyo ‘xasillooni’. Anigoo taas la yaabban ayaan waxaan ku sii qoslay sida khaldan ee uu erayada qalaad ugu dhawaaqay.
Waxaa hubanti ah in ay jiraan Maryooley badan oo ninkaas la mid ah. Haddaba bal aannu is weydiinno, Soomaalida qaar marka ay la hadlayaan idaacad af Soomaali ah ama Soomaali kale, maxaa ugu wacan in ay isku qasaan afkooda hooyo iyo af qalaad?
Idaacadaha ku baxa afka Soomaaliga intaan ka war hayo waxaa ugu roon kuwa Muqdisho qaarkood; weriyeyaal hufan iyo qaar ka mid ah dadka ay wareystaanba waxaa ka muuqata in aysan adeegsan afaf qalaad. Nasiibxumo, kolka ay jiraan dad isugu yimid munaasabad iwm., Taleefashinka Qaranka Soomaaliya waxaad ku arkaysaa tabbeelayaal ku qoran af Ingiriis oo dadka dhabarkooda ka muuqda, ama marmar ayey isku garab qoraan af Soomaali iyo af Ingiriis. Taasna waa la yaab kale.
Haddaba waxaa la is oran karaa afafka qalaad oo dhan (xitaa afka Carabiga oo ah af muhiim inoo ah oo ay Soomaalida qaarkeed aad ugu hadasho), marka aan in la adeegsado loo baahneyn waa xikmad la’aan iyo maangaabnimo, ama jaahilnimo iyo doqonnimo. Dadka sidaas ku kaca badanaaba waa dad aan afafka qalaad si fiican aqoon fiicn u lahayn, ama kuwooda aqoonta u leh waa xikmad laaweyaal oo aqoonta ay sheeganayaan waa hal bacaad lagu lisay.
In la isku qaso afkaaga hooyo iyo afaf qalaad qofna looguma garaabi karo—xitaa carruurta Soomaliyeed ee ku dhasha kuna barbaara qurbaha, sababtoo ah waa dhaqan-xumo iyo is-liidid aan wax dan ah ku jirin. Hase yeeshee adeegsiga afka Soomaliga ee carruurta wuxuu ku xiran yahay waalidka carruurta dhalay iyo bay’adda ay ku barbaaraan. Waxaa jira qaar ka mid ah carruurta qurbaha oo af Soomaliga ka badiya kuwa jooga dhulka Soomaalida; qaarna af Soomaligu wuxuu ku noqdaa af qalaad ama afkooda labaad iyo af saddexaad. Arrintaasi waa mowduuc kale balse waxaan uga dan leeyahay inaan ku muujiyo—in qofka weyn ee isku qasa af qalaad iyo afkiisa hooyo—uusan “marna” wax gar ah ku heli karin; waaba xikmad la’aan iyo caqli yaraan.
Waxay ila tahay in dadka adeegsada afafka qalaad marka aysan u baahneyn ay ka raadinayaan in lagu tilmaamo in ay yihiin aqoonyahanno iyo dad bartay cilmi maaddi ah; ayaandarro aqoonsiga ay raadinayaan waaba bil-cagsi oo qofka barta af qalaad waa in uu si toos u kala sooci karaa afafka uu ku hadlo, natiijo ahaan marka afaf qalaad la barto ka dib ayaaba afkaagii hooyo aad loogu sii bartaa oo faa’iidooyin badan ayaa laga helaa sida ay qoreen aqoonyahanno takhasus ku haysta cilmiga luuqadaha iyo maskaxda.[1]
Sida la wada ogsoon yahay marna ma habboona oo ma jiro qof ammaan u haya in la isku qaso laba af. Waxaan la yaabnaa dadka yiraahda ‘Taraay’ gareyn ama ‘Daraaf’ garayen iwm., dad muddo badan af Soomaali ku shaqeysta oo uu xirfadda qoraalkoodu weli aad u liito, dad wax yar ka soo maqan Soomaliya oo iyagoon af qalaad si fiican u baran yiraahda, ‘Ereygaas af Soomali kuma aqaan,’ waxaase ugu sii daran kuwa idaacado Soomaali ah bilaa sabab ugu maansooda erayo iyo jumlado ay af qalaad ka soo ergadeen. Dadkaas qiil ma haystaan ee waa in aan runta lagala gabban oo loo sheego si ay gefka noocaas ah uga weynaadaan iyo si ay ixtiraam ugu yeeshaan afkeennaa hooyo.
- M. Aden, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. "> This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
3-da Julaay, 2012
Saint Paul, Minnesota – U.S.A.
[1] (Yule, George, 1996. Curtis, Helena & Dahlberg, Carol, 2004. M.D. Rugg, 2012. Martha Abbott, Theresa Caccavale & Ken Stewart, 2006), dhammaantood waxay buugaag iyo maqaallo cilmi-baaris ah ku qoreen in barashada afafka ay maskaxdeennu faa’iido badan ugu jirto dhinac kasta—dhaqanka, garaadka, fikirka, xusuusta, nafaqeynta, fahamka, waxbarashada, iwm.
war ninkan runtii ayuu sheegay. wuxuu yiri oo dan waa runtiis soomaalidu way ku faanaan afafka qalaad sida english-ka iyo kuwa kale waana jaacilnimo iyo nacasnimo.Quote
Come on Mr Aden, aren't we Somali people? We are a failed state, how come we don't use the foreign languages. Most of us believe using somebody else's language is a sign of civilization. Perhaps your argument and thoughts would matter when we are to the state of statehood. Until then we are better off to play with the winds... aight, lolC/llahi yare, UKQuote
Maxamed Aadan wuu mahadsanyahay aqoontiisa afka hooyana Allaha u saa'idiyo. Hadii isaga oo USA jooga maanta nagu boorinayo afkiina hodantinimadiis a ha seegina wuu mahadsanyahay.
Af Soomaali murti iyo curin heer sare ah ayuu leeyahay oo waa kii aan ku caano maalaynay qarniyo aan la soo karin; waa taan xidigaha ula baxnay cirjiir iyo waaberi, waa taan wadada ula baxnay dhabe iyo jid, waa taan dadka ula baxnay caaqil iyo garaadlaawe.
Nolosha dhaqandhaqaale hadaad u jaleecsano, waa anaga niraah abuur beeraha markuu dheeliga soo baxana falida ha ka jaacisin markay miraha soo baxaana baalalayda iyo duurjoogta sida doofarka ka ilaali beerta.
Duunyada la dhaqdana rugtaan 1000 erey ugu xadiday kuma soo koobi karee, Aadan warkiisa hala qaato; inta yar ee diyaarka ah waa u talo anigana waan qaatay.
Hadaanu bulsho nahay waxaanu aqoon in la samree, Aadane u samir sidii uriye Idaajaa, abwaan Raage Ugaas iyo af yaqaan Axmed Shire Jaamac.Quote
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30



RSS

































