Opinion: Kaalinta Madax Dhaqameedka Soomaalidu Ku Lahaan Jireen Bulishada Somaaliyeed Dhexdeda Iyo Meesha Ay Maantay Uga Jiraan-by Ahmed Mohamed Goonweyn
By Ahmed Mohamed Goonweyn
Bismillaah: Marka hore Aniga, Marwadeyda iyo Caruurtayduba waxaan salaan guud halkaan ka salaameynaa dhammaan Ummadda Somaaliyeed meelwalba ee ay Adduunka uga noolyihiin Salaantaas kadib annagagoo dhibaatada iyo xanuunka Dalkeenna iyo Dadkeennaba haysta idinla qaybsaneyna waxaan Illaahay ka baryeynaa inuu culayskaas Ummadda Somaaliyeed ka dulqaado. Aamiin Waxaan jeclahay inaan wax yar ka tilmaamo kaalinta Madax Dhaqameedka Somaalidu bulshada ku dhexlahaan jiray iyo kaalinta ay maanta ku dhex leehihiin Doorkii Madax Dhaqameedyada Somaalida Waa waa arimo dhowr nooc isugu jira waxayna taabanayaan arimaha istimaaciga ah ee bulsho weynta Somaaliyeed Marka hore waxaa xusid iyo qadarin mudan dhaqanka bulsho weynta Somaaliyeed lahaayeen kasoo ah mid qarniyaal badan soo jireen ahaa Umadda Somaaliyeedna ay isku tix galin jirtay ayadoo uusan jirin wax kale oo sharuuc Dawladeed ah ama sharuuc Diineed ah sida shareca Law oo wakhtiyadaas u daganaa Dhaqankaasu waxuu marwalba ahaan jiray culture iyo Traditional amase Dhaqan iyo Hidde la isku tix galiyo waloow uusan ahaan jirin mid ay ku wada xasiloonaayeen amase ay isku wada daryeeli jireen Siwalba ha ahaatee xiliyadii danbe ee qaabka Nationalisiumku ama Dowladeysimku soo gaaray Somaaliya arintaasu waxay usii ekaaneysay marba markii kasii danbeeysay mid soo daciifaysay ayadoo qaab ku dhaqan keedii bulshadu u haysatayna aad u sii yaraanayay Qaab dhaqameedkaas horey bulshada Somaaliyeed u haysan jirtay waxuu lahaan jiray waxyaabo badan oo faaiido iyo khasaaro labaduba u horseedi jiray bulshada ama Qabiilada Somaaliyeed balse waxaa dhammaantood amase intooda badani ka midaysnaan jireen ayadoo ay jireen xaalado adag markastaba nooca amase qaabka ah isla weynida taas oo keeni jirtay muuqaal faan leh oo kuwa badannina iskaga dayan jireen sida in qofka Somaaliga ahi diido waxa Af Somaaliga lagu yiraahdo soor quureed ama la yiraahdo(Bahal dil iwm) Tuugsiga iyo hunguri raac hunguri xumada leh iyo dhammaanba waxyaabaha ay is dhahayaan magac xumo idin raacda ayey keentaa Waxay ka baqi jireen dhaarta beenta ah iyo beenta qayaxan ee maanta jirta ee la isla soo taago Waxay isku qaddarin jireen qofba meesha uu bulshadaas ugu qaabilsanyahay iyo hawsha uu u hayo Waxay isku hiilin jireen markii cadow shisheeye ahi la dagaalamayo ama kusoo duulo Waxay isku sharfi jireen Guurka iyo Gabdhaha laisa siiyo Waxay isa siin jireen xoolaha sida Geela, Lo’ada, Ariga,Fardaha iyo Dameeraha Waxay isku saadi jireen socotada si nabad galin iyo wanaag leh Taasi waa qabkii iyo isla weynidii qabiilada Somaalidu lahaan jireen Waxay lahaan jireen nidaam iyo qaab dhaqan ah oo ay ku kala danbeyn jireen iyo beeshaasi wax ay isku ogtahay ee wax ku qaybsadaan 2. Tan labaad ee la dhihi karo waxay laheyd khasaarooyin soo wada gaaray Somaali weynta waa dagaalada qabiiliga ah kuwaas oo marwalba keeni jiray dil nafta la iska jaro ayadoo ayba dhici jirtay in qabiil dhan oo meel dagi jiray inta loo yimaado qof inaan laga reebin oo halkaas magacoodii ku haro ama ku af jarmo amase Qabiil aad u badnaa maanta tiro aad u yar ka joogto, dhaca iyo mooro duugguna waxuu marwalba u ahaa wax caadi ah Akhoon la’aan keentay dib u dhac baahsan ee bulsho iyo nolol xumo sida caafimaad la’aanta, macaluushiyo gaajada, iyo biyo iyo guryo la’aanta. Madax dhaqameedyada Somaalidu waxay ahaan jireen marwalba kuwo kaalinta ugu weyn ka qaata dhacdooyinkaas soo marayay Ummadda Somaaliyeed wakhtiyadaas waxayna u muuqan jireen kuwo mid walba Qabiilkiisa uu ku matalayo xaaladaas taagan xaq iyo baadilba asagoo sida qabiilkiisu dandooda u arkaan u taagan Qabiilkuna waxay ahaan jireen kuwo ayagoo aan dano kala duwan iyo hunguri isku cayrsanaya aan isgarab yaac ku hayn madax dhaqmeedkooda Si walba ha ahaatee laga soo bilaabo 1960 -1991 waxay Somaaliya soo martay xaalad la oran karo waxay aheyd wakhtigii kala guurka ahaa ee Madax dhaqameedka Somaalidu uu iska dhexwaayey kaalintii uu ku lahaan jiray bulshada Somaalida maxaa yeelay Powerkii Dowliga u muuqday ayaa waxuu meesha ka saaray inuu jiro Power qabiileed ka aktaliye ah. 1991 Markii Somaalidu bilowday in ay dagaal qabiili ahaa oo qoomiyado Powerfull ah iyo siyaasadaha guracan ee Gumeysigu ay facillititer ka ahaayeen Somaaliya guud ahaan laga bilaabay qaabkii qabiilku waxuu noqday bad to worste oo waxaa isasoo raacay intii mushtamac xumaysa oo dhan sida dil dugaagnimo ah, waalli iska orad ah, gaajo hunguri raadis ah, fawdo dhaqan iyo sharci la’aan ah iyo been iyo turufo baqdinla’aan ah Xoshood la’aan iyo iimaan la’aan Arimahaasi waxay keeneen in la waayo maamul Dowli ah iyo mid Madax dhaqameed sax ah oo ka turjumaya caam ahaan danta Ummadda Somaaliyeed mid Qaran iyo mid Qabiilba Waxaa muuqanaysa in wax walba ee qayb kuleh nolosha dadka Somaalida ah si qaldan loo isticmaalayo taas oo dhaxal siisay Somaalida in aysan meelna u fayoobaanin Ugu danbeyntii Waxaan Shaki ku jirin in Ummadda Somaaliyeed maanta u baahantahay samata bixin dhan walba ah si wax ugu badbaadaan mustakhbalka taas oo lagu raadin karo midnimo caqli iyo niyad adag leh oy yeeshaan beelaha Ummadda Somaaliyeed oo dhan Marlabaad waad salaamantihiin waadna Mahadsantihiin Walaalayaal.
By Ahmed Mohamed Goonweyn
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30






































