Taariikhda Ceelka Biyaha ee Cusub ee Qorof iyo hawlihiisa
Warbixin by Saalax Axmed
Muddo badan ayaa beesha ee ku nool agagaarka degmada Gelinsoor, Dhabad iyo Galaadi ku jireen baahi
qaab daran oo xagga biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo hawlaha kale ee bini’aadamka horumarka tiigsanaya uu ku taabo qaado. Mudooyinkaas dheer kama marnayn waxgaradka ummaddan, aqoonyahanada, culumada iyo qaybaha kaleba inay isku dayaan inay baahida beeshan wax ka qabtaan, wadada horumarkana saaraan. Isku dayahaas oo inta badan u badnaa xagga waxbarashada ayaa waxay noqotay mid horey sidii la rabay ugu dhaqaaqi weydey, oo laga gaari waayey guulihii laga rabay in laga gaaro, Haddaba aniga oo aan doonayn inaan dib ugu noqdo isku dayaha kale ee kala duwanaa iyo meelaha ay ku dambeeyeen ayaan waxaan rabaa inaan taariikh yara ka ifiyo hawlgalkii ceelka tuulada Qorof ka hirgalay iyo marxaladihii la xiriiray. Waxaanan jeclaan lahaa inay tusaale u noqoto qofwalba oo raba inuu beel meel ku nool horumar wadajira uu gaarsiiyo, taasoo ay ummadda Soomaaliyeed meelay joogaanba baahi weyn u qabaan.
Marar badan ayaa dad soo booqday dhulka dadkaas deganayeen waxa ay keeneen qayla dhaan ku saabsan nolosha adage ee haysa beesha degaankaa degta, waxaana dad badan oo qurbajoogta u badan ay shirar ku qabteen meelo kala duwan oo ka mid ah Yurub, Australia iyo Waqooyiga America, shirarkaas oo looga hadlayey bal sidii horumarin xagga mushtamaca ah loo gaarsiin lahaa degaankaas dadka degan. Haddaba gobolka Minnesota qurbajoogta kudhaqan ee u dhashay beeshaas ayaa waxay qaadeen talaabo aan horey u soo marin beeshaan oo ah inay si guud oo istarateji ah u fiiriyaan dhibka haysta
dadka dhulkii hooyo ku nool, waxayna doorteen hogaan ay fahmaya sidii loo furdaamin lahaa dhibaatooyinkaas. Hogaankaas, oo aan anigu guddoomiya u ahaa ayaan waqtigaas, ugu horeyntiiba xooga saaray inay daraasad ku sameeyaan dhibaatada hortaala ummaddan ee ay talaabooyinka horumareed ee ay qaadayso ummadda Soomaaliyeed qayb uga noqon weyday. Daraasadaas ka dib ayaa waxaa go’aan lagu gaaray in si istarateji ah ummaddan wax loogu qabto, waayo waqtiyadii hore oo dhan waxaa xooga la saari jiray mashruucyo yaryar haddii ummaddu ka faa’iidaysan lahayd ayaga laftigoodu horumar keeni lahayd. Haddaba go’aanku wuxuu ahaa in la qaado hab ka duwan habkii markii hore wax loogu qaban jiray, kaasoo ah in la dhibka hooyadiis la abaaro, dhibka ummaddan haysta hooyadiina waa
- Maamul la’aanta
- Biyo la’aanta
Haddaba anoo qormada dambe ku soo qaadan doona maamul samayntii meesha ay aaday iyo sida ay ku dambaysay ayaan qormadan waxaan kaga hadlayaa halganka la dagaalanka biyo la’aanta qayb ka mid ah. Ayadoon mar walba dhiiri gelinaynay in dadka wixii lacag haysta ay maalgalin gaar ah ku samaystaan, ayaa waxaa noo cadaatay inayan taasi kaligeed dabooli Karin baahida xad dhaafka ee dadka iyo xooluhuba u qabaan biyaha, marka waxaa muhiim noqotay in la helo biyo gelin xagga danta guud ah, taasoo ama annagu inta lacag uruurino dhisno ama dawalada iyo hay’adaha NGO ah aan ka codsano inay baahidaas wax nagala qabtaan, ayada laftigeeduna u baahan in dad u hawlgalaan oo waqti iyo lacagba ku bixiyaan, taasi oo noqotay hawl dib ugu noqotay in wax la ururiyo, waayo ma jirin qof NGO leh oo arrintaan asagu qaata.
Si hawshaas aan ugu bandhigno dawlada kililka 5aad oo ayadu dhulkaas xukunta ayaan waxaan wafdi u diray magaalada Jigjga, wafdigaas oo qaar ka baxay maraykanka qaarna ka baxay wadanka gudihiisa ayaa waxay la kulmeen ,Agoosto 20011, madaxweynaha kililka5aad Mudane Cabdi Maxamed iyo Wasiirka beeshu ku leedahay dawlada Cabdiqani, halkaasoo ay u bandhigeen baahida ay qabaan dadka dhulka Wardheer ku nool gaar ahaan dadka nawaaxiga Galaadi degan. Madaxweynuhu wuxuu gudigii iyo wasiirkii faray inay degaanka tagaan oo ay warbixin cad uga keenaan baahida jirta, waxay degaanka tageen todobaadkii ku xigay waxayna warbixintii u soo celiyeen Madaxweynihii, asaguna wuxuu balanqaaday inuu
wax ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee dadkaasu qabo siiba inuu ku bilaabi doono in uu ceel biyood ka qodo Qorof iyo meelaha kale ee baahida weyn loo qabo. Sidii madaxweynuhu u balanqaaday, waxaa riigii ceelka qodayey yimid 20 Desembar 2011, halkaasoo ay qodidii ceelku ka bilaabatay. Waxaa isla markaas na soo gaaray in dhulka tuulada Qorof ay ku bilaabatay dhul cabirasho boob ah, oo qof walba rabo inuu dhul degaan ka helo intaan magaalada la buuxin, taasina waxay ahayd horumarkii ugu horeeyey ee u bilowday magaaladaas Qorof iyo dadka agagaarkeeda degan. Ceelka qoditaankiisu wuxuu dhamaaday in yar ka dib markii shirkweynihii Dhabad ee beeshu dhamaaday, kaasoo ku beegnayd 16 Febraayo 2012, laakiin waxaan riigga la socon motoorkii biyaha soo saari lahaa iyo dhismihii haanta keydka iyo barkadihii xooluhu ka cabbi lahayeen. Cabdiraxmaan Ducaale oo ahaa ergayga gaarka ah ee qurba joogtu u xilsaartay raadinta iyo fulinta hawsha ceelkan ayaa Jigjiga si degdeg ah ugu noqday, ka dib markuu ka qayb galay shirweynahii beesha ee Dhabad. Dadaalo badan oo uu galay ergaygu wuxuu ku guulaystay inuu dawlada ka soo helo dhamaystirka hawlihii u dhimanaa ceelka, bishii Janaayo 2013.
Hadda oo ceelka dhismihiisu dhamaaday ayna bilaabatay intifaacsigiisu ayaan waxaan jeclahay inuu beeshan u noqdo saldhig

horseeda horumar badan oo ay kaga baxaan dhibkii aan kor ku soo sheegay, taasna waxaa keeni kara inay ogaadaan dadka dhulkii jooga ee sida tooska uga faa’iidaysanaya in ceelkan midnimo iyo hogaan indheer garad ah ku yimid, midnimadaas la’aanteedna aynan waxba qabsoomeen. Waxaanan leenahay ku mintida inaan ceelkaas idinka baylihin, midnimada uu ku yimidna aad tusaale uga dhigataan sida kaliya ee wax horumar ah lagu gaari karo inay tahay jidkaas la falay.
Waxaan jeclahay intaanan ka bixin qormadan inaan u mahadceliyo marka ugu horeysa Eebbaheena weyn ee na haleeshiiyey arrintan, marka labaadna Madaxweynaha Kililka 5aad Cabdi Maxamed oo gartay in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas aynan biyo la’aan u dhiman gadaashiis ama inta uu xukunka hayo, waxaan uga mahadcelinaynaa taageeradii hagar la’aaneed iyo degdegtii uu u fuliyey hawshaan. Waxaan kaloo marka sadexaad u mahadcelinaynaa ergayga Cabdiraxmaan Ducaale iyo Cabdirisaaq Sh. Muxumad (garoos) sidii qiimaha lahayd ee ay halgankan ugu adeen Jigjiga iyo gobolka dadku degan yahayba, iyagoo ka tagay caruurtoodii iyo xaaskoodii oo aan marnaba ka maarmin. Mahada afaraad waxaa iska leh dhamaan qurbajoogtii ka qaybqaadatay hawshan dhamaantood, kuwaasoo kala jooga Canada iyo USA. Qurbajoogtaas oo lacagtooda iyo taladooda la’aanteed aan hawshaan la qaban kareen ayaa waxaan Ilaahay Casa Wajala ugu baryayaa inuu u aqbalo sadaqadaas. Waxaanan kaloo halmaami karin dhalinyaradii, odayaashii iyo gabdhihii dhulkaas ku dhaqnaa ee u istaagay inay hawshaan horumarkooda ah wax ka qabtaan, tasoo aan laga wada helin dadka dhulka ku dhaqan.
Plz. qofkii warbixintan su'aal ka qaba emailka Gelinsoortimes.com.
Warbixintii
Saf
1/31/13, MPLS, USA
- Somaliland Minister Rejects Control of Airspace By Somalia Govt
- Somali Government gives green light to the New Deal process launched in Mogadishu today
- Al_Ameriki's Battle: Al-Shabaab Fighters Loyal to Godane Reportedly Kill Al-Amriki
- Rebuilding Somalia: Giving Extremists a Second Chance
- Defense Minister: Nation Can't Afford Weapons
- Rebuilding Somalia: David Cameron Pledges Support Somalia (Video)
- The London Meeting: OPENING ADDRESS BY THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
- Rebuilding Somalia: Somali Government adopts new public finance management policy
- IN Somalia: Hospitals See Fewer War Victims
- Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
- Controversy Over Dismissal of Motion On Somalia-Somaliland Agreement
- Al Amriki Tweets About Al Shabaab Assassination Attempt
- Somali and Kenyan Presidents in bilateral meeting ahead of London Conference
- Prime Minister galvanizes security forces as reforms take hold
- The world will see that Somalia has turned the corner, Prime Minister tells UK Foreign Secretary
- Government Will Not Recognise Jubbaland Conference, Guled Says
- Somalia: Wind Brings Light to Somaliland
- Somalia targets Shell, Eni for oil, gas output-sharing contracts
- Prime Minister calls on security forces and police to bring journalist killer to justice
- Somalia's young army recruits face uphill battle for credibility
- Somalia the yardstick in new deal for conflict-affected countries
- 9 killed by gunman in Kenyan city near Somali border; police blame al-Qaida-allied militants
- STATEMENT BY HASSAN SHEIKH MOHAMOUD, ON BAHAR DAR FORUM FOR SECURITY AND ORGANIZED CRIMES
- Somalia takes major step forward on counter-terrorism
- In Rebuilding Armed Forces, Somalia Faces Challanges
- Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
- Faallo: Nina Hooskiisa Ma Harsado
- Faalo: Wajigabaxii Labaad Ee Dawladu Kala Kulantay Kismaayo Raaskaamboodiyeenteeda! (2)
- Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta by Ahmed-haadi Muhumad
- Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday by Farah Warsame
- Hantidii Ummada Laheed Goormaa loo Celin? by Faysal Ahmed
- Somaliarising after two decades of civil war and unrest by Muddassar Ahmed
- What’s the Future forSomalia after August 20 by Axmed Farax
- Adeegsiga Af Qalaad Qiil ma loo Hayaa? by M Aden
- Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon-by Kaafi Farey













11:00-11:30




































